Horumarinta Waxsoosaarkaaga Shakhsiyeed!

Horumarinta Waxsoosaarkaaga Shakhsiyeed!

Horumarinta Waxsoosaarkaaga shakhsiyeed! 

 

“Ku dedaal waxa ku anfacaya, Ilaahayna kaalmayso.” ~ Nebi Maxammed CSW 

Wax-soo-saarka shakhsi ahaaneed waxa loola jeedaa wax-soo-saarkaaga aad wakhti go'an ku qabanayso. Asal ahaan waxa ay ka dhigan tahay in la qabto hawlo aad muhiim u ah halkii aad ka qaban lahayd kuwa aan macno lahayn.  

In badan maanta waxa laga qaylinayaa waxsoosaarka shaqo ee shaqaalaha taas oo aymeelo badan fadhiyaan goobihii shaqadu. Tacabkii iyo waxsoosaarkii laga filayeyna aanu u dhigmayn aminta ay ku sugan yihiin goobaha shaqada. Waxa soo labeeya korodhka fikirka iyo walbahaarka soo foodsaara shaqaalaha, natiijada ka dhalatay waxsoosaar shaqeed iyo qofeed oo aad uga kooban intii ay filayeen.  

Si ka soo horjeeda caqiidada caanka ah, wax-soo-saarku maaha mid ka mid ah dabeecadaha lagu dhalan karo ee kaliya dadka guuleystaa ay nasiib u yeeshaan. 
Si fudud waa isku-dhafka caadooyinka yaryar, kuwaas oo, haddii la barto si weyn u hagaajin kara waxtarka qofka. 
Qaybta ugu fiicanna waa: qof kastaa wuu baran karaa sida loo horumariyo wax-soo-saarka shakhsiga ah. 

 

Muhiimadda wax-soo-saarka shakhsi ahaaneed waa inaan marnaba la dhayalsan. Marka loo eego cilmi baadhistan, celcelis ahaan shaqaalaha waxaa laga dhex galaa shaqadooda in ka badan 55 jeer maalin kasta, wuxuuna u baahan yahay inuu isticmaalo ku dhawaad ​​​​2 saacadood isagoo ka soo kabanaya ka dhex galkaa lagu sameeyay. Dhab ahaantii, waxaa dhawaan la sheegay in wax soo saarka guud ee celceliska shaqaaluhu uu yahay 2 saacadood iyo 53 daqiiqo oo keliya maalintii (Vardhman, 2021; Pinger, 2019). 

Yaab, miyaanay ahayn?! 
Hase yeeshee, tirooyinkan ayaa laga yaabaa inay aad uga sii xumaadaan marka loo eego kuwa ka shaqeeya bannaanka xafiiska. 
 
Si kastaba ha ahaatee, wax soo saarka shakhsi ahaaneed waa inuu noqdaa mid muhiim u ah dhammaanteen, xitaa haddii aanaan shaqo rasmi ah ka haysan xafiiska. 
 
Akhbaarta wanaagsan ayaa ah inaad u ogolaan karto tirakoobyadani inay kuu noqdaan baaq toos ah si aad si buuxda ugu fahanto muhiimada ay leedahay horumarinta wax soo saarkaaga shaqsiyeed. 

  

Halkan maanta waxaynu ku eegi doonna qodobo kaa caawinaya horumarinta wax-soo-saarka shakhsiga ah si shaqadaada iyo horumarinta naftaadaba aad uga hesho midho dhal ku farxadgeliya.  


1. Sababta garo, kaddib ka dhigo! 

Ujeeddada laguu abuuray weeyaan midda u baahan in aad garato. Ficilkasta oo kaasoo fulayaa waa in uu noqdaa mid u adeegaya hadafkaa laguu abuuray ee lagaa rabo in aad xaqiijisoIn aad ilaahay caabuddo ilaa aad janno ka gelayso, raacdo waxa uu ku faray, kana tagto waxa lagaa reebay. Qofka intaa la yimaaddaa balanqaad ayuu haystaa. Sida Ilaahay SWT Qur'aankiisa innoogu tilmaamay. 

  

2. Layli iyo Xuduudo 

''Aadamaha laba qodob ayaa go’aamiya inuu noloshiisa horumariyo. Waa go’aanka iyo joogtaynta dedaal'' - Ibnu Qayim 

Nafta ku layli in ay meel ku tiiriso, taas oo xuduudo ka yeelanaya codsiyada tiro beelka ah ee kaga imanaya deegaanka kugu xeeran. Noloshu waa wada codsiyo iyo mashaariic aad cid kala shaqeynayso, Hawlkasta oo u baahan in aad ka shaqeyso naftaadu waa inay noqotaa halka koowaad ee aad ka shaqeynayso. Haku tiirin naftaada qof, shaqo, shirkad, xafiis, ehel iyo bulshada kugu hareeraysan. Balse naftaada ku tiiri han, hiigsi, himilo, yool, horumar iyo hore- u-socod.  



3. Dilaaga waxsoosaarka 

''Qofka caaqilka ah carabkiisu waxa uu daba socdaa qalbigiisa/damiirkiisa, Haddii uu hadal is yidhaa qalbiguu/damiirkuu war u celiyaa oo uu la tashada. Qofka nacaska ahna carabkiisa ayaa ka horeeya qalbigiisa, Waxa uu maqlaba wuu ku hadaaqaa.'' Xassan Al-Basri.  

  

Fariintii dhiliq tiraahdaba haddii aad eegto, tacabkaagu wuu lumayaa. Wakhti gooni ah u samee baraha bulshada. 

  

Qaabkan qorshe uga yeelo dilaaga wakhtiga: 

- Imisa bar-bulsheed ayaan u baahanahay maalin kasta in aad isticmaalo 

- Imisa bar-bulsheed ayaan u baahanahay 3 dii maalmood, maalin in aan isticmaalo 

- Imisa bar-bulsheed ayaan u baahanay 7 dii maalmood, maalin in aan adeegsado 

- Imisa bar-bulsheed ayaan u baahanahay 30 kii maalmood, maalin in aan adeegsado.  

  

Wakhtiyada aad mashaariicdaada shaqo iyo nololeed aad ka shaqeynaysoba meel fog iska dhig agab kasta oo ay kaa soo gaadhi karaan fariimaha baraha bulshadu.  

  

4. Waa noloshaada! 

''Bani'aadamow waxa aad tahay maalmo, Haddii ay maalini tagto, badhkaabaa tagay.'' - Xassan Al-Basri 

  

Si aad maalmahaaga uga faa'ideysato naftaada maaree. Wakhtigaaga qayb-qaybi oo mudnaan u kala sii siday kuugu kala habboon yihiin.  

  

Habkan tijaabi 

~ Mashruuc/Hawlqabad in aad ka shaqayso qabso, 

~ Agabka aad u baahantahay soo diyaarso 

~ Mashquuliye kasta iska xidh sida Khadka iwm. 

~ Wakhti qabso 25/30 Daqiiqo (Saacadda Cida ku xidho/Alarm) 

~ Bilow wakhtigaasna hawlkale haqaban 

~ Markaad dhameyso 25/30 yara kac oo nasasho qaado 5 daqiiqo, kaddib hawlqabad kale bilow oo intaas in lamida mari ilaahay idamkii.  



Tusaale,1 

BuuggaHabeen kama tagin kuwii hore”, ayaan akhrinaya, waxaan soo diyaarsaday goobtii, agabkii iyo buuggii aan akhrin lahaa. Waan fadhiistay oo bilaabay hawlqabadkaas. 30 Daqiiqo kaddib waan yara kacay si aan uga yara nasto. Kaddib tababar aan qaadanayey oo hal saac ah ayaan isna bilaabay.... 30 Daqiiqo oo qur'aan akhris ah....sidaa kolka aad ku wado waxaa kor u kac samaynaya wax-soo-saarkaagii qofeed.  

  

5. Isla xisaabtan 

Fusaddu waa maanta, ma ogid berri. Dib u milicso oo xisaabti naftaada waxay horumarsatay, hiigsanaysey ee ay haybinaysay inta ay kamidho dhalisay. Halka aad taagantahay ma tahay meeshii aad ku hammiyeysay ee aad qiimeheeda bixisay. Maxaa kuu saxan amase ka khaldan tubta iyo toobiyaha aad hayso. Dedaallada iyo hore u socodka aad sameynayso dhan walbi intee in leegbuu janno kuu goynayaa. Waa sidee xaqa iyo xuquuqaadka lagugu leeyahay ee naftaada, ehelkaaga, deegaankaaga, diintaada, dalkaaga, muslimiinta iyo caalamkuba kugu leeyihiin. Waxaad haybinayseed inta ku warwareysaa ujeedkii abuurka ee jannada horseedayey intee in leeg ayuu u adeegayaa? 

Shaqadaada cibaado ma kuu tahay? Hadalkaaga wanaagsani cibaado ma yahay? caawintu cibaado ma kuu tahay? dadka in aad mugdiga ka saartaa cibaado ma kuu tahay?.......... Meel fadhiiso oo xisaabtan, buug iyo qalin soo qaado oo isqiimee, Ducayso oo ilahay talo saaro kaddib isbeddel samee ilaahayna talo saaro. 

 

Ugu dambayn, hadda waxa aad ogaatay muhiimada ay noloshaaada iyo shaqadaadaba u leedahay in aad kor u qaado wax-soo-saarkaaga qofeed; ku dadaal sidii aad u hirgelin lahayd ugana fekeri lahayd waddo kasta oo aad horuma ku gaadhi karto, si aad si firfircoon ugu shaqayso korna ugu qaado wax-soo-saarkaaga qofeed.  

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..