Skip to main content

Qorshe ma sameysatay sannadka cusub? Waa kuwan shan qodob oo kuu sahli kara.

Qorshe ma sameysatay sannadka cusub? Waa kuwan shan qodob oo kuu sahli kara.
.

By Mohamud Ahmed Jama.


Qorsheyaal badan waa lagu guul darreystaa sanad kasta, laakiin sannadkan waxaa laga yaabaa inaysan kuwaaga fashilmin

Waxaa billaabanaya sanadka 2024-ka! Waana sanad la imaanaya amuruurihiisa cusub.

Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, "ama wax cusub oo ay billaabayaan", qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa.

Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado?

Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto?

Qorsheyaasha aan la hubin inta badan way dhicisoobaan


Qoraalka sawirka,

Qorsheyaasha aan la hubin inta badan way dhicisoobaan

Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin.

Laakiin sida aan dhammaanteen ka warqabno, taasi si sahlan kuma imaato.

Kaliya 8% ka mid ah dadka qorsheyaasha dajista sanadka ayaa ku guuleysta inay fuliyaan, sida lagu qeexay daraasad ay saneysay Jaamacadda Scranton, oo kaashaneysay xogta loo yaqaanno "Statistic Brain"

Hase yeeshee, khasab ma aha inaad tiradaas adiga ku jirtid.

Haddaba halkan waxaan kuugu heynaa shab hab oo fudud, oo aad uga hortagi kartid inaad qosheyaashaada ku guul darreysatid - guud ahaan sannadka. Nasiib wacan.

1. Ka billow wax yar

Meel hoose oo macquul ah ka billow ka dibna si tartiib ah kor ugu sii soco


Qoraalka sawirka,

Meel hoose oo macquul ah ka billow ka dibna si tartiib ah kor ugu sii soco

In qorsheyaal macquul ah la sameysto waxay horseedi karaan fursad lagu guuleysto.

Qeyb ka mid ah dhibka na heysta waa inaan dajisanno qorsheyaal aad u waaweyn oo ay adagtahay inay suurtagalaan, "taasna waxaa sabab u ah inuu qof walba isku maleeyo ruux dadka kale ka duwan isbaddal dhab ahna sameyn kara sannadka cusub", sidaas waxaa tiri aqoonyahanad ku takhasustay dhinaca maskaxda oo lagu magacaabo Rachel Weinstein.

Inaad waxyar ka billowdid, waxay kuu sahleysaa inaad inaad wax kasii weyn uga sii gudubtid.

Tusaale ahaan, Kabaha lagu ordo soo iibso kana qeyb gal tartammada yar yar ee orodka, ka hor intii aad ka qeyb gali lahayd tartan weyn oo ay orodyahannada caanka ah isugu imaadaan.

Aama haddii aad jeceshahay cunto karinta, waxaad qof jikada ku jira ku caawin kartaa inaad isbuuciiba hal raashin u karisid, sidaasna aad xirfadda ikusii baratid.

Tani micnaheeda ma aha inay khasab tahay dajinta qorsheyaal yar yar, laakiin waa inaad iska ilaalisid inay qorsheyaashaadu noqdaan kuwo culus oo wakhti dheer kaa qaadanaya.

Sababtoo ah markii si dhab ah loo eego, "Isbaddalladu waxay u imaadaan si tartiib tartiib ah, iyadoo wakhti qaadanaya", sida ay sheegtay Weinstein.

2. Wax diiradda saar


Qoraalka sawirka,

Ka fikir waxa saxda ah ee aad damacsan tahay, meesha aad ku sameyneysid iyo wakhtiga aad ugu talagashay

Inta badan waxaan qorsheyaal dajisannaa annagoo aan fikrad sax ah ka heysanin qaabka aad wax u fulineyno.

Laakiin waxaa muhiim ah inaad si faahfaahsan wax u qorsheysatid.

Inaad tiraahdid, "Waxaan gym-ka aadayaa galab kasta oo Talaado ah iyo subax kasta oo Sabti ah" waxay ka fiican tahay inaad si guud u dhahdid "gym ayaan aadayaa", sida uu qabo Barfasoor Neil Levy, oo ka tirsan jaamacadda Oxford.

Marka aad sidaas wax diiradda u saarto, waxay ka dhigan tahay inaadan fikradda kaliya ku ekeyn oo sidoo kale aad heysatid sidii aad u qaadi lahayd tallaabada hirgalinta qorshaha.

3. Dhis taageero


Qoraalka sawirka,

Inaad qorsheyaashaada ku soo bandhigtid dadka dhexdooda waxay kugu dhiirrigalineysaa inaay meelmarisid

Inaad heshid dad kale oo qorshahaaga oo kale damacsan waxay ku siineysaa dhiirrigalin aad u weyn.

Taasi waxay micnaheeda noqon kartaa inaad qof saaxiib kula ah wax isla sameysaan ama inaad qorshahaaga ku soo bandhigtid dadka dhexdooda.

Marba haddii aan muujinno qorshaheenna shaacinno waxay u badan tahay inaan ku dadaalno hirgalintiisa.

Dr John Michael, waa khabiir dhinaca maskaxda ah oo ka tirsan jaamacadda Warwick, wuxuuna daraaseeyaa arrimaha sababa in ay dadka ku taagnaadaan fikradahooda iyo waxyaabaha ay damacsan yihiin.

Wuxuu sheegayaa in sida ay u badan tahay aan qorshaheenna ku taagnaaneyno haddii aan ka dhigno kuwo ay sidoo kale faa'iido ugu jirto dadka kale - oo markaas ay dad kale naga niyad jabayaan haddii aan ku guuleysan weyno.

Marka si guud waxay tani ku saabsan tahay fulinta qorsheyaashaada iyo inaad taageero u hesho - waana in dadka kale aad ka heleysid dhiirrigalin guul kuu horseedda.

4. In laga adkaado guuldarrada


Qoraalka sawirka,

Isbadallo yar ku samee habka nolol maalmeedkaaga

Marka ay sii wadista qorshahaaga kugu adkaato, ka fikir sidii aad dib u eegis ugu sameyn lahayd.

Maxay yihiin caqabadaha kusoo wajahay? Waa maxay yihiin kuwa ugu adag? Maxayse yihiin kuwa ugu fudud?

Sii khafiifi qorshahaaga si uu u sii socdo, kuna farax guusha yar ee aad ka gaartid.

Haddii aad dooneysid inaad ku taagnaatid isla qorshahaas adkaaday, ka warran haddii aad dhinac kale kasoo gashid adigoo sidii hore kasii dhiirran?

Isbaddallada yar yar ee aad ku sameysid nolol maalmeedkaaga ayaa kaa caawin kara inaad jihada saxda ah dib u heshid.

Haddii ay ujeeddadaadu ahayd inaad raashin caafimaad leh cuntid, waxaad isku baddali kartaa baastada iyo rootiga.

Ama haddii aad dooneysay inaad cayilka iska yareysid waxaad kala baddali kartaa cuntooyinka fudud, sida doolashada iyo baradhada duban, adigoo ku baddalaya khudaarta.

5. Qorsheyaashaada ku astee ujeeddooyin wakhti-dheer leh


Qoraalka sawirka,

Laab-la-kac meel laguma gaaro

Qorsheyaasha la dajisto ee ugu wanaagsan waa kuwa looga gol leeyahay wakhtiga dheer ee aad dooneysid inay noloshaada ku waaraan. Waxay ka fiican yihiin kuwa aan la hubin iyo kuwa laablakaca ku yimaada, sida ay aaminsan tahay Dr Anne Swinbourne, oo ku takhasustay cilmiga dabeecadaha dadka.

Haddii aadan waligaa daneynin ciyaaraha, way adagtahay in lagu taagnaado qorshe ku saabsan sidii aad ciyaaryahan guuleysta ku noqon lahayd.

"Dadka qorsheyaashooda ku saleeya laab-la-kaca badanaa way ku guul darreystaan", ayey tiri Dr Anne Swinbourne.

Marka, haddiiba aad heysatid qorshe ku saabsan wax aad daneyn jirtay ama aad xiiseyneysid - u sameyso qorshe toosan oo maalinta ugu horreysa billowda.

Hana ka cabsanininaad taageero raadsatid marka aad caqabadaha la kulantid adigoo ku socda qorshahaas.

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..