Khibrad Wadaag: 15 Khalad Iyo 180 Shaqo Codsade Maxaad Ka Baran Kartaa? (Share Experience: 15 Mistakes And 180 Job Applicants What Can You Learn From Them?)



Khibrad Wadaag: 15 Khalad Iyo 180 Shaqo Codsade Maxaad Ka Baran Kartaa?

Khaladka iyo halka ay ku jabeen dadkii kaa horeeyey in aad deristaa waxa ay kusiinaysaa guul aad mahadiso. Meel kale adiga oo aan ka eegi waxaad ka talaabsanaysaa sida bohol ama ceel dheer oo kasoo bixistiisa iyo kasoo kabashadiisu kugu qaadan karto sannado.

 

Halkan waxa aanu idinkula wadaagaynaa waayo-aragnimo aad ku sixi kartaan khaladaad guud ee la sameeyo marxaladda shaqo raadinta lagu jiro. Arrimahaa wax aka mid ah:-

  1. Xogta la baahiyey fahamkeeda.

Salaad aanad ku bilaabin Allahu Akbar kuuma xidhmayso, Inta aanad shaqo xareysan haddii aanad akhrin, fahmin, dersin, u fiirsan isla markaana aanay kuu kala cadeyn waxa  lagaa rabo iyo waxa aan lagaa rabin shaqo helid intaan la gaadhinba waxa aad ku hadhaysaa shaandhada koowaad.

2.  Waxa lagaa rabo sideeda u qor.

Tusaale, ‘’ Cinwaanka email ka aad soo direyso waxa aad ku qortaa booska aad u tartamayso Sales & Marketing – Garowe.

3.    Ha sheegan oo haku qorin meel aanad waligaa ka shaqeyn.

Beentu waa xaaraan, Sinaba uma banaana.  Ugu danbayna runtu way soo baxaysaa. Ogsoonow looshaqeeyuhu in uu garaacayo (La hadlayo) goobaha aad ku sheegtay CVgaaga in aad kasoo shaqeysay dhammaantood.

4.     Hubinta Email ka aad dirtay

Mararbadan waxa dhacda in CVga aad ka dirto Email aad ku isticmaalayso Telephone ama Computer hubi in lifaaqu (Attachement) ku lasocdo haddii kale waxa kaa baxaya email kala dhiman.

5.     Ha raacin arrimahaaga shakhsig ah

Ha raacin da’daada, halka aad ku dhalatay, xaas in aad leedahay, in aad kali tahay, Sawirkaaga,  in aad balwad leedahay iyo in lagu furay toona. Looma baahna haddii aan xogta qaar lagaa codsan.

6.     Cusboonaysiin la’aanta CVga iyo Cover Letter ka.

Booska la xayeysiiyey oo ah Cashier. Ha dirin CV ku salaysan Finance Officer. Ha dirin CV aan Shirkad ama hay’ad kale aad hore ugu dirtay waayo waa kala gaar shirkaddaa amma hay’adda iyo tan cusub ee aad shaqadeeda codsanaysaa.

7.     Shaqooyinkan ha codsan waligaa

Shaqooyinka aanad aqoonteeda, khibraddeeda iyo xirfaddeedaba aanad lahayn waligaa ha codsan. Codso kuwa aad xog iyo warbixin ahaanba aad dadka kaga badiso.

8.     Dirista codsiga shaqo.

Waligaa CVgaaga laba (2) Jeer oo sabableh wax ka badan hadirin. Muhiim ma aha in aad 3 ama 4 jeer oo kala danbeeya aad CVgaaga dirta si loo eego. Mar haddii la eego iyo haddii 3 jeer la eego isla qofkii ayaad tahay haddii aad shuruudaha buuxiso marlayba waad soo baxaysaa.

9.     Xog kala dhiman.

Khibraddaada shaqo ama aqoontaada marka aad taxayso dhameystir. Sheeg booska aad ka shaqeynaysay, shirkadda ama hay’adda, taariikhda aad ka shaqeynaysay iyo waajibaadkaagii shaqo si xogtaadu u dhameystiranto. Waxbarashaduna waa la mid.

10.  Tixraaca

Baahinta xayeysiiska shaqo iyada oo ay ku cadday in ugu yaraan 3 tixraac lagaa rabo haddana aad CVgaaga ku qorto “Waan soo gudbin haddii la iga codsado” sax ma aha. Haddaan lagu waydiin ha sheegin balse haddii lagu cadeeyo baahinta xayeysiiska shaqo waa khasab in aad sheegtaa.

11. Telefoono badan

Haku darin CVgaaga hal number oo lagaa heli karo wax kabadan. Ma habboona in aad 3 ilaa 5 number oo kala duwan inaad ku qorto taasi waxa ay abuuraysaa xaalad kale.

12. Tartan ka hadhis

Haddii aad shaqo codsanayso tartan ilaa bar dhamaadka ay kula gaadhayso. Haddii aad kusoo baxdo imtixaan haka maqnaan, Haddii aad usoo gudubto waraysi shaqo haka maqnaan haddii kale adiguna daashay shaqaale raadiyahana wakhti baad ka dilaysaa.

13. Diyaar sanaan la’aan

Inta aanad imtixaan gelin ama waraysi shaqo raadi khibrad aad ka shidaal qaadato. Warayso qof halkan aad maanta marayso hore usoo maray oo wax ku biirin kara dedaalkaaga shaqo helineed haddii kale diyaar ma tihid oo kama gudbi karti xaqiiqooyinka hortaada imanaya.

14.  Xirfadaha iyo barnaamijyada.

Shaqooyinku way kala duwan yihiin. Ku farsamada gacanta ama kuwa la adeegsanayo barnaamijyo (Programs) tusaale ahaan Xisaabaad waa muhiim in aad xusto aqoonta aad u leedahay barnaamijyada loo isticmaalo xisaabaadka sida QuickBooks IWM.

15. Khaladaadka uu sababo barnaamijka bedelaada (Convertor) Word to PDF

Waxa dhacda in saxeex aad gelisay qoraalka dhexdiisu xogo badan qarin karo marka aad u bedesho PDF. Ka taxadir isdhexyaacaa uu keeno barnaamijkaas bedelaadu si aanu khalkhal ugu ridin loo shaqeeyaha.

 

Ugu danbayn, Warqad codsiyeedkaaga shaqo waa safiir kugu metelaya meel aanad aftahannimadaada, garashadaada, codkarnimadaada, xikmaddaada iyo hadaltirahaagaba aanad isku difaaci Karin. In aad xayaabatirtaa waa mid guul kuu horseedi karta. Ku dedaal oo ka digtoonow khaladaadkaa inta badan soo noqnoqda.

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..