Sida Loo Qoro Codsiga Carbis Shaqo (tusaale) (How to Write a Job Application (Example)



Sida Loo Qoro Codsiga Carbis Shaqo (tusaale)

Carbiska shaqo waa hab wanaagsan oo lagu helo tababar shaqo inta aad jaamacadda dhiganayso ama sida ugu dhakhsaha badan qalinjebinta ka dib. Si aad u hesho carbis shaqo oo ku habboon xirfaddahaaga iyo waxbarashadaada, waxa aad u baahan doontaa inaad qoroto codsi shaqo si aad u dalbato carbiska shaqada. Ujeeddada looqoro codsiga carbiska shaqo waa in lagu helo tababar, taas oo kuu sahlaysa in aad khibrad u hesho si dhibyar. Maqaalkan, waxa aan uga hadlaynaa sida loo qoro codsiga carbis shaqo iyo ujeeddada carbiska iyo waliba tusaalooyin kaa caawinaya in aad qorto codsiga carbiska shaqo.
Waa maxay ujeeddada codsiga carbis shaqo?
Ujeeddada codsiga carbiska shaqo waa qoraal kooban oo ah mid ama laba weedhood oo sharraxaya sababta aad u rabto carbis shaqo iyo waxa kuu suurto galinaya in aad dalbato. Ujeeddada codsiga shaqo barashada waxay kaga duwan tahay ujeeddada codsiga shaqo iyadoo la muujinayo xirfaddahaaga iyo waxbarashada halkii aad ka bixin lahayd sharraxaadda waxa aad rajaynayso inaad ku guuleysato inta lagu jiro Carbiska. Waxay kaa caawin kartaa marka aad qorayo codsigaaga shaqada in aad ka soo dhex muuqato musharrixiinta kale xitaa haddii aadan haysan liis dheer oo khibrad shaqo ah.
Sida loo qoro ujeeddada codsiga carbis shaqo.

Adeegso tilmaamahan si ay kaaga caawiyaan in aad qorto ujeeddo codsiga shaqo wax ku ool ah:
1. Si taxaddar leh u akhri tilmaanta shaqada
Baro waxa shaqo-bixiyuhu ku qiimeeyo tilmaanta shaqada. Xusuusnow ereyada muhiimka ah isla markaana u dhigma waxbarashada, horumarka shaqada, aqoonta iyo xirfaddaha aad soo baratay.
Si taxadar leh ugu muuji codsiga carbiska shaqo tilmamaha ka dhigi kara qof u qalma booska aad u tartamayso isla markaana ku haboon.

2. Muuji xirfaddaha iyo kartida
Qodobee ujeeddadaada si aad u keento natiijo togan oo aad ku heli karto Carbis shaqo iyo xirfaddo dheeri ah. Ku dar xirfaddo aad leedahay hal ama laba, abaalmarin, waxqabad, himilo xirfadeed ama natiijo qiimo leh ee waxbarashadaada xidhiidh la leh. Tani waxay kuu sahlaysa in looshaqeeyuhu fahmo ujeeddadaada iyo in aad tahay qof firfircoon.
3. Noqo mid feejigan oo ujeedo leh
Adeegso ereyo muhiim ah oo xul ah diiradana saaraya si aad u sharaxdo xirfaddahaaga iyo dabeecadda aad ku soo qaadan laheyd goob Carbis. Si sax ah u sharax waxa aad dalbanayso iyo ujeeddadaada iyo waxa kaa dhigi kara mid ku habboon booska.
4. Sheeg Una Balan qaad qiimahaaga
Sababtoo ah Carbis shaqo caadi ahaan waa waxa aad ku heli kartaa shaqo rasmi ah, ujeeddadaadu waxay muujin kartaa waxaad aaminsan tahay inaad wax ku biirin karto shaqada xitaa iyadoo lagu Carbisayo. Sidaa awgeed waxa aad u balan qaadaa in aad tabaruc kula joogi qarto iyo in muhiimad iyo qiime aad u leedahay isla Carbisayaasha shaqada iyo in aad buuxin karto shaqada laguu Carbisay.
Qaababka Codsiga Tababbarka shaqada
Waxaad u adeegsan kartaa tusaalooyinkan qaabka aad u buuxinayso codsiga Carbiska shaqada iyo in aad u dhisto una qorto qaabdhismeed abaabulan ujeeddadaada.

Tusaale:
1. Tilmaan jagada gaarka ah ee aad codsaneyso.
2. Ku qor qoraalka ereyada muhiimka ah ee saxda ah, macnaha erayo aan ahayn afsuuqdi iwn
3. Liis garee waxbarashadaada iyo koorsooyinkii waxbarashadaada.
4. Ku dar xirfaddo iyo karti ku habboon.
5. Sharax sababta aad u tahay musharaxa ugu habboon doorka Carbiska.
6. Sharax waxa shirkaddu ku kasbato adiga oo ku shaqaaleysiiya.
7. Dib u akhri warqaddaada codsiga ah.

Qaybo kamid ah qoraalka codsiga shaqo
Annigu waxaan ahay Raadiye Carbis iyo xirfad shaqo. Tartame doonaya in uu fuliyo aqoonta uu bartay una rogo xirfad lataaban karo oo saameyn leh. Taas oo isbedel ku keeni karta dadka qaybta aan bartay ka shaqeeya ee sannado horteed bartay xirfaddahaygan oo kale.  
Waa kan GPA-gaygii isaga oo wata shaanbadii goobta waxbarasho, waxaan ku muujiyey xirfadda aan baranayay intii aan waxbarashadeyda aan ku jiray waxa aan ku buuxin karaa xirfadayda waxbarasho booska Carbiskan.

Xirfadaha waxbarasho;

·         Enjineer

·         Nashqadeeye

·         Samaynta nashqada guriga cusub

Xirfadaha la xiriira:

·         Carbiso dhisme

·         Dajinta maaliyada dhismaha

·         tiknoolojiyada

Raadinta jago shirkad ahaan, iyo sharraxaada aan ka bixiyay xirfaddayda waxbarasho ee shaqadan ayaa ii ogolaanaysa in aan noqdo codsade Carbis shaqo. Haddii loo baahdo in la baadho lana cadeeyo waxbarashadayda xirfaddeed ee ku saabsan takhasuskayga waxa ay ku cadahay GPA-ga aan ku xusay codsiga. 

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..