Maxaa Keena Guuldarrooyinka Shaqo Raadinta! (What Causes Job Search Failures!)


Maxaa Keena Guuldarrooyinka Shaqo Raadinta!

Haddii ay caddahay marinka guusha loo maraa, Waa lama-huraan ogaanshaha arrimaha keena guuldarro joogto ah oo aad la jaar noqoto maalmo badan. Shaqo raadintu waa hilin qofkastaaba mar uun ku baraarugo, qofba wakhti ayuu indhaha u furtaa shaqo iyo hanaankii uu ku heli halaa. Waa safar aad ku laylin karto naftaada dulqaadkeeda, adkaysigeeda, la qabsiga iyo dedaalka ay tahay inaad bixiso, si aad u hesho qiimo lamida oo ah shaqadii aad u hanka weyneyd.

Halkan waxaynu ku eegi doonnaa arrimaha keena guuldarrooyinka shaqo-raadinta oo haddii aanad ka taxadarin keeni kara niyad-jab:

  1. 1. Yool Cad:

Hadaf cad oo qoran ayaa lagu xaqiijin karaa shaqo helista. Haddii aanad ka jawaabin sababta aad shaqo u raadinayso, U dejin qorshe aad ku gaadhi karto shaqo helis, aanad ogaan talaabooyinka aad ku heli karto shaqo waxa aad qorsheynaysaa in aanad waligaa shaqo helin.

Kajawaab waydiimahan:

-          Sababma ayaan shaqo u raadinayaa? Haddii aad ka jawaabto sababta waxa fududaanaysa maxaa la iiga baahanyahay iyo sideen ugu guuleysan karaa kajawaabistooda.

-          Maxaa la iiga baahanyahay si aan shaqo u helo? Khibrad, Aqoon iyo xirfaddo.

-          Waxyaalahaa la iiga baahanyahay inteen haystaa? Maxaase iga dhiman?

-          Inta iga dhiman halkeen ka heli karaa? Khibrad, aqoon ama xirfaddoba?

-          Yaa igala shaqeyn kara khibrad korodhsi iyo xirfad barasho?

-          Intey igu qaadanaysaa inaan khibrad helo ama xirfad barto? Goorma ayaan bilaabayaa?

-          Buug iyo qalin soo qaado oo waydiimahaa sare jawaab u raadi.

  1. 2. Codsiga Shaqooyinka

“Fursaddaha waxa ka faa’ideysta maskaxaha diyaarsan”

Fahan la’aan ka haysata shaqo raadiyaha xeeladaaha codsiga shaqooyinka. Kala garasho la’aan habka loogu tartamayo shaqada la baahiyey. Haddii aanad gareyn gaadhiga ku geynaya gobolka aad u socoto, waxaad qorshaysay in aanad safarba geli doonin. Haddii aad fahansantahay habka loo akhriyo xogta shaqada la baahiyey (Job Description) waxaad joogta 50% inaad ku guuleysato fursadda banan. Fursaddaha waxa ka faa’ideysta maskaxa diyaarsan oo kaliya.

3. Wax walba haye

Baahida loo shaqeeyuhu waa mid cad oo kooban, taas oo lagusoo bandhigayo xogta baahinta shaqo (Job Description) Shuruudaha ku xidhan, wajibaadka shaqo ee uu qabanayo, heerarka aqooneed, khibradeed iyo xirfaddeed eel aga rabo inuu yeesho. Shuruuda loo shaqeeyuhu soo bandhigay wax kabadan oo aan xidhiidh la laheyn booskan haddii aad ku buuxiso warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV). Waxay u badantahay in dhinac la iska dhigo, sababtu waa in wax aan lagaa dalban aad ku buux-buuxisay. Wakhti ha iskaga lumin CV wax walba haye ah, kaliya ku dedaal inay ka dhex muuqdaan warqad codsiyeedkaaga shaqo inta lagaa codsaday oo kaliya. Qodobkani waa muhiim, hadda markale akhri.

 4. Midkasta

Shaqo kasta xaree, warqad codsiyeedka shaqo dir ilaa inta lagasoo jawaabayo. Wakhti badanbaad ku bixinaysaa dhaaminta haan gun la’, Wakhtigaaga ku dedaal bedelkeeda in aad isku qalabayso xirfaddaha suuqa shaqada looga baahanyahay si adiga laguugu baahdo. Marar badan baa loo baahdaa dad noloshooda ku maalgeliyey xirfaddo suuqu baahi u qabo iyadoon lagu xidhin wax shahaado iyo khibrad ah toona, Sababtu waa inay iyagu hayaan xirfad loo baahanyahay oo meelkale aan laga heli Karin. Looshaqeeyaha hantidiisa koowaad waa shaqaalihiisa XIRFADDA leh.

5. Waa Hanti

”Fursaddu waa maanta, Hantiduna waa daqiiqaddahaas”

Haddii abwaan hore u yidhi dadku waa hantiye baro. Haddii aanad ka faa’ideysan dadyowga kugu xeeran ee leh waayo-aragnimo gundheer waxaad ag joogtaa hanti aanad qiimeheeda garaneyn. Qofku waa wakhti, Wakhtiguna waa hanti. Ka korodhso waayo-aragnimada, xeeladaha, talooyinka iyo hoga tusaalaha kuu noqonaya indho-fur iyo toosh aad ku ifisato inta aad ku gudo jirto hayaanka shaqo raadinta. Waxaad ka heli xog aad kaga leexato jaran jarooyinkii iyo qal-qalooca shaqo raadinta isla markaana aad u heli karto doctuur (Shortcut) aad ku hawlgasho.

Maskaxda ku hay in shaqo raadintu ay tahay hayyaan u baahan wakhti iyo dedaal dheeri ah. Waa lama huraan in si xeeladaysan loo wajaho, iyadoo loo samrayo, sidoo kalena diiradda la saarayo sidii loo heli lahaa boos shaqo oo ku habboon naftaada.

 - - ---------------------------------------------------------      

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..