Seeska Tiknoolajiyadda (technology)

Seeska Tiknoolajiyadda (technology)

Dhamaanteen waynu la soconaa maanta, koritaanka ku socda tiknoolajiyada (technology). Waxaa jira qaybo kamida tiknoolajiga oo ay tahay in qof kastaa in kamida garan karo; tahayna in qofku isku qalabeeyo, waxaana kamida 

  1. Xirfadaha fudud ee computer ka  

Waxa waajiba in qof kastaa la macaamili karo computer-kiisa, habaysan karayo meelaha ay xogtiisu ku jirto (files), sidoo kalena fahmi karayo cilladaha fudud ee ku yimaada computer-ka.  

  1. Adeegsiga internet-ka iyo website-ka  

Qof kastaa waa in uu fahamsan yahay sida loo isticmaalo websites-ka, xogahana looga dhex raadiyo, sidoo kalena loo doorto xogta ugu saxsan. Marka aad taqaan sida xogaha looga raadiyo internet-ka waxa kuu fudud in aad hesho xog aad ku kalsoonaan karayaso. 

  1. Wacyiga ammaanka (cyber security) 

Qofku waa in uu wacyi buuxa ka haysto khataraha kaga iman kara internet-ka. Hadii aanu ka taxadirinna waxay tani dhaawici kartaa sharaftiisa, sidoo kalena waxaa si fudud lugu heli doonaa xogihiisii gaaraka ahaa, dhaqaalihiisii iyo dhaqdhaqaaqyadiisaba. Innaga oo taa ka duulayna waxaa waajib ah in uu qof kastaa garan karo qaabka uu ilaashan karayo xogtiisa, wacyi buuxana uu ka haysto khataraha ka iman kara internet-ka.  

  1. Fahamka waxa kuu gaarka ah (personal information) 

Qof kastaa waa in uu faham buuxa ka haystaa xogaha shakhsiga ah ee uu ku baahinayobaraha bulshada”, taas oo keensan karta khatar weyn iyo in uu qofku iswaayo. Aqoonsashada khataraha kaaga iman kara xogtaada oo aad ku baahiso internet-ku waa fursad aad haysato kahor inta aanad baahin 


  1. Wada xidhiidhka fogaan araga ah (online communication)  

Qodob kani waa mid kamida kuwa ugu muhiimsan dhanka aasaaska tiknoolajiga (basic technology),  qof kastaana ay tahay in uu xog fiican ka haysto hanaanka adeegsigiisa. Qofku in uu farriimo toosa isticmaalo, kuwo E-mail uu diri karo, sidoo kalena uu ka qayb geli karo shirarka ku baxaya habka “online-ku”, waxay ka caawinaysaa in uu awoodaysto xirfaddiisa wada xidhiidh. Marka aad fahamto hab-adeegsigan waxaa kuu fududaanaya in aad si fudud kula xidhiidhi karto dadyow kaa durugsan 

  1. Adeegsiga mobile-kaaga 

Dunidan casriga ah layaab male in qof kastaa haysto mobile, kaas oo ay ugu kaydsan yihiin xogihiisa oo dhan. Barashada habka loo isticmaalo, loo hagaajiyo, sidoo kalena loo cillad saaraa waxay kaa caawinaysaa in aad faham buuxa ka qaadato mobile-kaagaa; kana war hayso xogtaada shakhsiga ah. 

 

   Ugu dambayn ogow in tiknoolajigu, uu si dhakhso le u korayo, sidoo kalena ay muhiim tahay in aad mar kastaba la qabsato waxa ku cusub ee la isticmaalayo; tanina waxay kaa caawin doontaa in uu wacyigaagu kordho, sidoo kalena aad si joogto ah aqoontaada u kordhiso

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..