Sidee Ganacsiga Loo Kobciyaa?(How to Grow a Business?)

Somalijobs Inc

Sidee Ganacsiga Loo Kobciyaa?

(How to Grow a Business?)

Si aad u kordhiso ganacsigaaga ugana dhigto mid guulaystay, waxaa muhiim ah in aad faham buuxa ka haysato: suuqaaga, macaamiishaada iyo tartamayaashaada. Qodobadan soo socdaa waxay kor u qaadi doonaan ganacsigaaga: 

1. Qeexid Toos ah 

Mar kasta isku day in aad qeexdo kooxda dadka ah ee iibsada maxsuulkaaga (Product) ama sidoo kale qaata adeegaaga (Service), tanina waxay kaa caawinaysaa in aad diiradda saarto sidii aad u heli lahayd macaamiil gaar ah.  

2. Qorshaha Suuq-geynta  

Horumarinta qorshaha suuq-geynta kaas oo ku gaadhsiinaya macaamiishaadu, waaa arrin aad u muhiima oo aanu ganacsigu ka maarmi karin. Suuq geynahaasna waxaa ka mid noqon karaya: 

A. Baraha bulshada oo aad ku baahiso ganacsigaaga  

B. Farriimo joogto ah oo aad u dirto macaamiishaada 

C. Xayaysiisyo tayo sare le 

3. Tayee Ganacsigaaga 

Markasta ku dadaal in aad si joogto ah u horumariso ganacsigaaga, si aad uga hor tagto caqabadaha kaa hor imanaya; una kulmiso baahida iyo filashooyinka macaamiishaada.  

4. Xog Ururin 

Xog ururin ballaadhan oo aad samaysaa waxay kuu fududaynaysaa in aad fahamto macaamiishaada dhabta ah. Tani waxa ay kaa caawinaysaa in go’aanadda aad qaadanaysaa ahaadaan kuwo toosan. Marka aad taqaan waxa kaa baxaya iyo waxa ku soo galaya ayaad u xadhko xidhan karaysaa awoodaynta ganacsigaaga. 

5. Aqoon Korodhsi 

Si joogto ah in aad wax uga barato guulahaaga iyo guul darrooyinkuba waxay kaa caawinaysaa in aad fahamto qorshayaasha ganacsiga. Ahaanshiiyaha qof mar kasta diyaar u ah aqoon korodhsi, waxay kor u qaadaysaa fursadda uu ganacsigaagu ku guulaysan karo.  

6. Hal-abuur 

Si joogto ah u raadi fursadaha cusub ee aad koritaanka iyo horumarka ka samayn karayso. Ikhtiraacidda shay ama ku soo kordhinta suuqa shaqada wax aan hore looga aqoon waxay korodh xawli ah ku samaynaysaa ganacsigaaga.  

7.  Horumari Shaqaalahaaga 

In aad horumariso shaqaalahaaga oo aad tobabaro siiso, sidoo kalena xirfadahooga koru qaadaa; waxay tayaynaysaa oo ay kor u qaadaysaa awoodda shaqada ay kuu hayaan. 

8. La Qabsi 

Isku day in aad si joogto ah ula socoto, wax kasta oo ku saabsan qorshayaasha ganacsiga, si aad mar kasta u ahaato qof fahamsan isbadellada ku imanay suuqa shaqada. 

   Qodobadan oo aad ku ladho: shaqo adag, doonis iyo joogtayn, waxay kaa caawin karaan in ganacsigaagu guulaysto, sidoo kalena uu koritaan fiican sameeyo, Eebe idamkii.  

--------------------------------------------------  

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..