Tabaha Shaqo Raadinta

Somalijobs Inc

Tabaha Shaqo Raadinta

Shaqo raadintu waa hawl adag una baahan, qorshayn iyo qaabayn. Sidoo kalena marar badan qaadan karta waqti aad u dheer; una baahan in aad u marto wadadeeda ugu saxsan. Hadaba weydiinta mudan in aynu warcelin u helno ayaa ah: maxay muhiim u tahay barashada tabaha shaqo raadintu?  

Waxa jira waxyaabo dhawr ah oo ay kaa caawinayso in aad taqaano tabaha shaqo raadintu, iyado oo aad fahamtaana waxay kugu guulaynaysaa in aad ogaato meelaha aad ku wanaagsan tahay, xirfadaha aad leedahay iyo waxyaabaha aad xiisayso. Sidoo kale waxa ay kaa caawin doontaa in aad si yar oo fudud ku qeexdo shaqada aad doonayso, ahaatana qof xidhiidhadiisu aad u adag yihiin. Qodobadan hoose waxay kaa caawin doonaan in aad fahamto "tabaha shaqo raadinta" 

Qeex Meelaha aad ku Wanaagsan Tahay 

Isku day in aad qaadato waqti aad ku qeexdo awoodahaaga, waxyaabaha aad xiisaynayso iyo ashyaada aad u baahan tahay in aad wax badan ka ogaaato.  

Xog-ogaal 

Mar kasta baadhis ku samee, Haayadaha, xafiisyada iyo goobaha xiisaynaya in aad ugu shaqayso- aqoontii aad aad baratay. Tani waxay kaa caawin doontaa in aad mar kasta ku tosho CV-gaaga shaqo, baahida loo shaqeeyaha.  

Adeegso Mareegaha Shaqo Raadinta 

Mareeagaha shaqo raadintu waxay kaa caawin doonaan in aad si yaroo fudud ku ogaato, shaqooyinkii u dambeeyay ee la baahiyay iyaga oo ay la socdaan: goobta, nooca shaqada IWM. Mar kasta ku dadaal in aad la socoto mareegahaas sida “Somalijobs” 

Xidhiidho  

Isku day in aad qoyskaaga, asxaabtaa iyo cid kasta oo uu xidhiidh idinka dhaxeeyo, in aad u sheegto in aad tahay SHAQO RAADIYE, sidoo kalena waydii in ay kuu furi karaan albaabo kaa xidhan amaba ay kaa caawin karaan sidii aad u ogaan lahayd una baran lahayd qof kale oo muhiim ah.  

Diyaar ahaw 

Marka aad baadhis dheer ku samayso, shirkadaha iyo xafiisyada aad doonayso in aad ka shaqo gasho ku dadaal in aad mar kasta diyaar u ahaato “waraysi shaqo”. 

Aqoon Korodhsi  

Mar kasta oo aad qaadato koorsooyin cusub iyo tobabaro, tani waxay kordhinaysaa awoodaada xirfadeed.  qodobkan ayaa ah ka ugu muhiimsan ee ay tahay in aad isku qalabayso oo aad mar kasta kordhiso aqoontaada, si ay u badato fursadda aad shaqo ku heli karayso. 

--------------------------------------------------------    


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..