Xeeladaha Shaqada!

Somalijobs Inc

Xeeladaha Shaqada!

Waxaa jira siyaabo badan oo shaqo lagu helo, si lamida sidaa iyana waxaa jirta talaabooyin badan oo aad si xikmadaysan ugu shaqayn karto. Sida cad waxaad u baahantahay farsamooyin aad ku xaqiijin karto hadafka shaqo ee lagaa rabo. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa qodobo kaa dhigaya ruux u shaqeeya si caqli badnaanleh. 

1.Faham Hawsha: faham ujeedooyinka iyo shuruudaha shaqadaada si aad u hubiso inaad ku socoto wadadii saxda ahayd. Hadaf cad oo qoran dejiso. Waxa habboon habeenkii inta aanad seexan kahor in aad qorto ama subaxa goor hore in aad kubilowdo.  Tani waxay kaa caawinaysaa in aad sifiican diiradda u saarto hawlahaaga kuugu muhiimsan maalintaa oo saameyn waxqabadna yeelan kara. 

2. Hore u qorshee: Samee khariidad  qeexaysa yoolalkaaga, hawlahaaga iyo wakhtiga kama dambaysta ah, taas oo kaa caawinaysa inaad  shaqada u qabato si habaysan oo hufan. 

3.Deji Mudnaanta: Go'aami hawlaha ugu muhiimsan una qoondee wakhtigaaga iyo dadaalkaaga si habboon.  

4. Maareynta Waqtiga: Si hufan u qoondee waqtigaaga, ka fogow waxyaabaha ku mashquuliya, oo isticmaal farsamooyinka sida habka “Pomodoro” ee qeexaya habka  shaqada diiradda loo saaro. 

5. Qeybinta Hawlaha: U qaybi hawlaha waaweyn tallaabooyin  yaryar oo la maarayn karo si aad uga hortagto culaysyada. Buur maalin kaliya kuwada baabiin kari maysid. Laakiin maalin walba dhagaxbaad ka saari kartaa ilaa ay dhulka la sinaan doonto. Mashaariicda aad ka shaqeynayso jejebi, maalinba in qabo ugu danbayn waxaad gaadhi natiijo aad mahadiso. Waa arrin muhiim ah oo meesha ka saari doonta wer-wer ka qabka in aad ku guulaysato iyo inkale. Talaabo hore u qaad maalinkasta.   

6. Wakiil: Aqoonso marka shaqaalaha kale ay wax ku biirin karaan shaqada si wax ku ool ah oo u wakiisho hawlaha qaar si kor loogu qaado xirfadaha wada shaqaynta kooxeed. Haddii ay macquultahay, U daadeji shaqooyinka cid kugu xeerani qaban karto. Ha u maleynin in shaqadaadii lala wareegayo balse u arag in aad kor u socotay oo aad talaabo hore u qaaday. Waxay noqon doontaa wax aad ku wanaagsantahay (Strength) shaqadii laguu xilsaarayna si meeqaamsare leh ayey u soconaysaa. Ruux naftiisa ku kalsoon ayuunbaa masuuliyad shaqeed daadejin kara, kalsoonida naftaada ka shaqee xaaladdaas oo kale. 

7.  Waxbarasho Joogto ah: La soco isbeddellada aqoonta iyo xirfadaha cusub si aad kor ugu qaaddo waxqabadkaaga iyo la qabsigaaga. 

8. Xirfadaha Isgaadhsiinta: Xidhiidh wax ku ool ah oo lala yeesho asxaabta, madaxda sare iyo macaamiishu wuxuu awoodeeyaa in la  yareeyo isfaham la'aanta. 

9. Jawaab celin: Raadi jawaab celin si aad u horumariso shaqadaada, wax uga barato kuwa kale, oo aad u kobciso  xirfadahaaga. 

10. Fiiro gaar ah: Fiiro gaar ah u yeelo saxnaanta iyo tayada shaqadaada si aad uga fogaato khaladaadka una gaadhsiiso shaqadaada heer sare. 

11. Xallinta mushkiladaha: in aad u wajahdo caqabadaha si  maskax wanaagsanaan le, falanqeyn le, sidoo kalena deganaanshiyo le waxay kaa caawinaysaa inaad mushkiladaha u raadiso xalal hal-abuur leh. 

12. La qabsiga: U fur furnow in aad wax bedesho, maadaama ay xaaladuhu isbedeli karaan, iyaga oo u baahan inaad hagaajiso hanaankaaga la qabsi, si aanay shaqadu u istaagin. 

13. Habayn: Isticmaal agabka shaqada muhiim ka u ah sida: jadwalka taariikhda, liisaska la qabanayo iyo qalabka teknoolajiga  si aad u habayso shaqada oo aad si hufan ugu maamusho hawlaha. 

14. Isu-dheellitirnaanta Nolosha iyo Shaqada: Ilaali dheellitirka caafimaadka qaba ee u dhexeeya shaqada iyo noloshaada gaarka ah si aad uga hortagto in aad isweydo sidoo kalena uu hoos ugu dhaco wax soo saarkaaga qofeed. Maanta waa muhiim in aad mudnaansiiso caafimaad-qabkaaga maskaxeed iyo jidheed oo ka imanaya helidda hurdo kugu filan, jimicsi joogto ah iyo maareynta wer-werka. Daryeelka naftaadu waa halka ay ka imanayso awoodda aad si hufan wax ugu qabanayso. 

15. xidhiidho: Dhis xidhiidh xirfadeed gudaha iyo dibadda shaqadaba si aad aragtiyo iyo fursado u hesho. 

16.  Is-daryeelka: wax kasta oo kale ka hormari bad-qabkaaga jidheed iyo maskaxeed si aad u hubiso inaad ku jirto xaaladda ugu fiican ee aad ku gudan karto shaqadaada. 

17. Kalsooni: Ku kalsoonow awoodahaaga adigoo sidoo kale aqoonsan meelaha koritaanka iyo horumarinta kaaga baahan. 

18. Tixgelinta Anshaxa: U hoggaansanaanta heerarka anshaxa iyo tilmaamaha shaqadaada, ilaalinta daacadnimada iyo u shaqaynta si hufani, waxay kor u qaadaysaa heerka shaqadaada. 

19. Nasasho: Si aanay diirad saaristu kaaga lumin marka aad hawl dhameysaba nasasho gaaban qaado (3 daqiiqo). Yara kac oo soc-soco, koob biya ah doono amma kooxda aad wada shaqeynta leedihiin soo koormeer IWM.

20. Dib u milicso oo hagaaji: Si joogto ah u qiimee waxqabadkaaga, caddee meelaha kor u qaadista kaaga baahan, oo samee hagaajinta lagama maarmaanka u ah koritaanka joogtada ah.  

Ugu dambayn xusuusnow, talooyinkani maaha xeerar adag laakiin waa habraacyo la qabsan karo. Waa waddooyin maritaankoodu kuu fududaynayo in aad ku guulaysato shaqadaada iyo noloshaadaba. 

 - - ---------------------------------------------------------      

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..