Xirfaddo Muhiim U Ah Isbedellada Goobaha Shaqada

Somalijobs INC

Xirfaddo Muhiim U Ah Isbedellada Goobaha Shaqada

Xirfaddo muhiim u ah Isbedellada Goobaha Shaqada  

 

 Tiknoolajiyadda Casriga ahi waxay saameyn weyn ku yeelatay goobeheena shaqada. Si looga badbaado in shirkaddaha, ururada, xafiisyada iyo goobaha shaqada aan looga dul guurin, waxa daruuri ah in kor looqaado xirfaddaha kobcinaya  lasocodka isbeddellada tiknoolajiga casriga ah. Dadka sida aadka ah ugu guulaysan doona goobaha shaqada ee mustaqbalku waxay noqon doonaan kuwa kobciya xirfadaha fudud ee la xidhiidha sida aad u fikirto, u shaqeyso iyo ula xidhiidho dadka kale. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa xirfaddo ay muhiim tahay in qof kastaa ku carbiyo naftiisa. 

 

  1. Laqabsiga tiknoolajiga casriga ah

Waa awood u yeelashada adeegsiga iyo ka faa'ideysiga tiknoolajiga casriga ah.  Maadaama oo tiknoolajigu hadda ay qaabeynayso hab nololeedka shaqo in aad taqaano xeelada, barnaamijyada iyo barkulannada hab adeegsigooda toolmooni waa aasaasi.  Waxa kamid ah falanqayta xogta (Data Analysis), Koodhinka (Coding), Cloud Computing iyo barnaamijyada sare u qaadaya waxsoosaarkaaga qofeed. 

 

  1. Laqabsiga Isbedellada (Adaptability).

Awoodda laqabsiga isbedellada muhiimka ah ee goobaha shaqadu waa midkamida xirfaddaha muhiimka ah ee aad ku carbin karto naftaada.  Loo-shaqeeyayaashu waxay qiimeeyaan shakhsiyaadka awoodda u leh inay si degdeg ah u bartaan nidaamyada cusub, tiknoolajiyadda iyo isku-xidhidda baahida shirkadda ama ururka. In aad awooddaada laqabsiga sare u qaada waxaad ku heli kartaa dallacsiin shaqo iyo hore ula jaanqaadidda goobta shaqada. 

 

  1. xirfadaha fekerka muhiimka ah

Xirfadaha fekerka muhiimka ah, wuxuu la xidhiidhaa falanqeynta xogta, qiimeynta doodaha iyo kadhigista xogtaa mid lagu go'aan qaadan karo. In aad si toolmoon u fikirto oo aad xukun maangal ah keeni kartaa waa mid aad u qiimo badan wakhtigan. Loo-shaqeeyayaashu waxay raadinayaan shakhsiyaad xallin kara dhibaatooyinka, garan karta fursaddaha jira, isla markaan qaadan kara go'aanno ku saleysan macluumaadka la helay.  

 

  1. Hal-abuurnimo

Sida tiknoolajiyaddu u qaabeysay agabka aynu adeegsanno ee maalinlaha ah sida gaadiidka, mashiinada IWM, hal-abuurnimadu (curintu) waxay kamid noqotay xirfaddaha aasaasiga ah ee la tixgeliyo.  Loo-shaqeeyayaashu waxay raadinayaan shakhsiyaad ka fikiri kara intooda wax ka baxsan, ikhtiraaci kara fikrado cusub, Wax ku darsan kara horumarinta alaabaha, adeegyada iyo habka waxsoosaarkooda. In aad lahaato awood aad ku wajihi karto caqabadaha adigoo adeegsanaya habfikir curin leh waa hanti qiimo leh marka la joogo goobta shaqada. 

 

  1. Wadashaqeyn iyo Wada-xidhiidh

Xirfaddaha wadashaqeyn sareysa iyo wada-xidhiidhku waa u lagama-maarmaan wakhtigan casriga ah goobaha shaqada. Lashaqeynta kooxaha, hab wada-xidhiidhka sare, dhagaysiga habboon iyo in aad bixiso jawaab celin wax dhisaysa waa mid sare u qaadaysa tacabka kooxda. Habka fogaan-arag (Remote) ku-wada-shaqeyntu waa mid tixgelin gaar ah u leh wadashaqeynta iyo wada-xidhiidhka heerka sareysa.

 

  1. Fahamka dareenada

Waa awoodda aad ku fahmi karto, kuna maamuli karto dareennadaada iyo hab ladhaqanka dadka kugu xeeran. Waxa kamid ah xirfaddaha aasaaska u ah Ogaal-nafeedka (Self-awareness), Naf-maamulka (Self-regulations), Dabeecadda IKK. Loo-shaqeeyayaashu waxay qiime tixgelineed oo gaar ah siiyaan qofka awood u leh koox la shaqeynta, sidoo kalena maamuli kara dareenkiisa/keeda. 

 

  1. Xirfadda Hoggaaminta

Waa mid aad loo qiimeeyo goobta shaqada. Marka la eego booskaaga, Loo-shaqeeyayaashu waxay xushaan qofka dhiirigelin kara xubnaha kale, Hadaf dejin kara,hagi kara isla markaana horseed ka noqon kara kamidho dhalinta natiijooyinka.  

 

  1. go'aan qaadasho

Go'aan qaadashada bini'aadamku waxay noqon doontaa mid aad u adag goobaha shaqada mustaqbalka dhaw. Iyadoo mashiinada iyo xogtu ay habayn karaan macluumaadka oo ay bixin karaan aragtiyo aan suurtogal ahayn in bini'aadamku ay ururiyaan, ugu dambeyntii, bini'aadamku wuxuu u baahan doonaa inuu gaadho go'aanka isagoo aqoonsanaya saameynta ballaadhan ee uu go'aanku ku yeelan karo qaybaha kale ee ganacsiga, shaqaalaha iyo saameynta kuwa kale.  Maaddaama tignoolajiyadu ay meesha ka saarto hawlo badan oo liita iyo kuwo aan caadi ahayn, waxay ka tagi doontaa bini'aadamka inay sameeyaan go'aan-qaadasho heer sare ah. Tanina waxay waajibinaysaa in qof kastaa lahaado xirfad go’aan qaadasho oo adag. 

 

  1. Maareynta waqtiga

Xirfaddan oo aad awoodaysaa waxay kaa caawinaysaa in aad si dagdag ah ula qabsato isbadalada ka dhaca goobaha shaqada. Tanina sidoo kale waxay dhisaysaa shakhsiyadaada. 

 

  1. Joogtaynta waxbarashada

Isbedellada xawliga ku socda ee goobta shaqadu waxay abuurayaan bilaabis waxbarasho joogto oo nololeed. Loo-shaqeeyayaashu waxay qiimeeyaan dadyowga ku hawlan maalgelinta nololeed (Waxbarasho) ee joogtada ah, Taas oo kor u qaadaysa qiimaha tayada waxsoosaarka shakhsiyeed ee goobta shaqada.  Xirfadaada oo aad sare u qaaddid iyo lasocoshada dhaqdhaqaaqyada suuqu waa seeska guusha ee goobta shaqada. 

 

 

  --------------------------------------------------------      

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..