Shaqada: Bilowga Shaqo Cusub(Career: Starting a New Career)


By Mohamud Ahmed Jama.

Hordhaca Buuga: Shaqada: Bilowga Shaqo Cusub (Career: Starting a New Career)

1. Ka hore bilowga shaqada cusub ( Before starting a new job)
2. Maalmaha ugu horreeya
The first days)
3. Bilaha ug horreeya
(The first months)

Hambalyo. Waxaad ka guuleystay tartameyaal badan oo kasoo qayb galay heerarkii kala duwanaa ee shaqo xulista. Bilowga shaqo cusubi waxay noqon kartaa mid farxadleh laakiin caqabadleh.  Waxa jira qodobbo aad sameyn karto ka hor bilowga shaqada taas oo aad ka heli karto dhiirigelin iyo kalsooni naftaada baqaha ka saarta. 

Waa muhiim aragtidaada sawirka u horeeya ee laga qaadanaya. Qodobaddaa waxa kamid ah:

1. Ka hore bilowga shaqada cusub

  • Baadhis ku samee goobta shaqo: Xog ururso ka hor bilaabitaanka shaqada oo hatagin adiga oo dhaga xidhan (aan macluumaad hayn). Baadhis ku samee mareegaaha (Websites), Baraha bulshada, buugaagta xayeysiiska si aad aad xog uga hesho agabka, alaabta, adeegga, hiigsiga, qiyamka iyo qaabdhismeedka goobta aad ka shaqo bilaabayso. 
  • Diyaar garow: Ogow wakhtiga aad shaqo bilaabayso. Hore ka diyaar garow, Iska xaadiri goobta shaqada cusub wakhtiga lagula balamay oo ka taxadar habsan kugu yimaada. Fiiro Gaar ah: Haddii hawli kugu timaado oo aad aragto inaanay suurtegal aheyn, hore ka ogaysii oo u dir iimeyl (Email) ama wicitaanka tilifoonka adiga oo raaligelin ku bilaabaya. 

2. Maalmaha ugu horreeya

Maalmaha ugu horreeya ee shaqada cusub waa dad, nidaam iyo shaqo barasho. Waa maalmaha qofka la qiimeeyo dardarta, kartida, shaqada, dabeecaddaha, wadashaqeynta IWM. Waa muhiim in aad deganaan, kaadsiyo, shaqo wanaag, karti iyo dedaal la timaaddo.  Qodobadan hoose maskaxda ku hay:

  • Isbarasho

“Insaanku isaga ayaa u xogogaalsan naftiisa.” Suuratu Qiyaamah:13 Isbar oo noqo qof daneynaya barashada kooxaha shaqo wadaagta ah.

  • Waydiin iyo qoraal qaadasho: Si aad nidaamyada shaqo u fahamto waa in aad waydiimo la timaadaa. Jawaabahana si aad u fahanto waa in aad qoraal qaadataa oo aad kaydsataa xogta lagula wadaagayo. Ogow ha isku halayn maskaxdaada, arrimaha aan qoraal lagu dabini way lumaan. Waa sababta dadbadani aanay shaqada ugu waarin xogtaa lalawadaagay bay ku haleeyen maskaxdooda oo anay dib ugu noqon markaasay kiisas galeen. 
  • Bar naftaada siyaasaddaha iyo xeerarka shaqo ee goobta shaqo: Waxa kamid ah caafimaadka iyo bedqabka bay'adda shaqo, Intarnatka, iimeylka, isticmaalka tilifoonka, sirta iyo siyaasaddaha gaarka ah ee goobta shaqo. 

Tusaale1, 

Ganacsi laga cunteeyo oo lagu nasto ayaa xeerarka shaqaalaha waxa kamid ah qodob tibaaxaya in aan shaqaaluhu sidan karin tilifoon inta uu shaqada ku jiro. Marka uu shaqada la bilaabayo ayuu shaqaaluhu dhigayaa xafiiska maamulka ilaa inta uu shaqada ka baxayo ma arkayo. 

Fiiro gaar ah: Qoyskiisa haddii ay u baahdaan waxay soo wacayaan tilifoonka xafiiska shaqaalaha markaasa loogu dhiibaya ama qofkuba kala hadli karaa ehelkiisa.

- Agabkaaga sooqaado: Goobaha shaqo way kala diyaar iyo habsocod shaqo wanaagsan yihiin. Way wanaagsantahay in aad soo qaadato agabkaaga maalinta koowaad. Soo qaado qalinkaaga, buuggaaga, biyahaaga, macmacaankaaga, qadaada ama lacag aad dantaada ku qabsato. 

3. Bilaha ug horreeya

Shaqo kasta oo aad bilwodo bilaha ugu horreeyaa aadbay muhiim u yihiin. Waxa aad u baahantahay: 

  • Masuuliyad:

Nebi Muxammad CSW Wuxuu yidhi, “ Qofkastaa Waa masuul, Waxaana qofkasta la weydiin doonaa masuuliyaddiisa.”

Noqo qof la isku hallayn karo, muuji shaqo wanaag  iyo dedaal adiga oo dhameystiraya shaqao kasta oo laguu diro wakhtigeeda iyo sida ugu wanaagsan. 

  • Caawimaad: Haddii aad shaqadaadii hore u dhameysay caawimaad sii maamulehaaga iyo kooxda aad wadashaqeynta leedihiin 
  • Aqoon korodhsi:

Imaamu shaafici waxa laga hayey, '' Maalin allaaliyo maalinta aan wax akhriyo, waxa aan ogaadaa jaahilnimadaydii.''

Korodhso aqoontii kaa dhiman oo waydii qodobkasta oo shaqadaada bilaya. Hana is odhan waxwalba waad taqaanaa. Maalinkasta oo aad wax korodhsato akhris, dhagaysi iyo caawimaad waydiisashoba horumarkaaga ayey qeyb laxaadleh ka qaadanaysaa. 

  • Isqiimee

Isqiimeynta nidaamyadda la adeegsado waxa ugu caansan 360-degree

( Multi-rater feedback, Multi Source feedback or Multi-Source assessment) (qiimeynta: Waydiinta asxaabta, ehelka iwm)

Waxa suuregal ah inaynu illowno wixii lasoo dhaafay. Taasina waxay keeni kartaa inaynu lumino sawirkii yo hammigii guud ee yoolasheena.

Si aynu taa uga badbaadno, waa muhiim in aynu qiimeyn karno horumarka aynu sameynay.

Noloshu waa sida giraanta wareegta, maalinba meel ayey taagantahay. Sooqaado buug, qalin iyo shaah, kaddib fadhiiso si aad naftaada u qiimeyso. Ku bilow waydiimo fudfudud sida maanta halkee ayaad joogtaa? Maxaa kuu hirgaley? Maxaa kaa qabyo ah? Maxaa u baahan dedaal dheeriya in aad geliso? Halkee ayaad u socotaa? Maalintayda sideen u qorsheeyaa? IWM. 

Soomaalidu Waxay tidhaa, “ Sidaad isu taqaan ma aha’e Waa sida laguu yaqaan.”


------------------------------------------------------------------

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..