Shaqada: Xaqa Looshaqeeyaha Lagu Leeyahay!! (Work: An Employer's Right!)


Hordhaca Buuga:Shaqada: Xaqa Looshaqeeyaha Lagu Leeyahay! (Work: An Employer's Right!)

By Mohamud Ahmed Jama.

1. SHAQAALEYSIIN ( EMPLOYMENT).
2. CADAALAD (JUSTICE).
3. CAAFIMAAD ( HEALTH).
4. XAQA (RIGHT).

Nolosha aynu noolnahy waxa jira kaaliyeyaal dhidibadda u ahaya. La'aantoodna aanay noloshu qiime iyo macne toona aaney yeelanayn. Tacabka qofku xooga iyo maskaxdaba uu ku maalayaa waa mid kamida waxyaalaha micno u yeelaya nolosha aynu noolnahay. 

Ilaahay, nebi Muxammed CSW, noolaha iyo manoolaha dhammaantoodba xaq iyo xuquuq ayey kugu leeyihiin. Taas oo qofka laga rabo inuu cidkasta xaqeega siiyo mar walba oo ay ku waajibto amma habboontahay.  Sidaa si lamid ah shaqaaluhu xaq iyo xuquuq ayey ku leeyihiiy loo shaqeeyaha. Arrimahaa waxa ka mid ah:

1. SHAQAALEYSIIN ( EMPLOYMENT)

                                             Ilaahay SWT Wuxuu shardi ka dhigay, ‘’ qofka shaqeynayaa in laba arimoodba muhiim ayey u yihiin: amaano iyo xoog.’’

U dirsashada shaqo qofku kasoo bixi karo awood ahaan, aqoon ahaan iyo karti ahaanba. Taas macneheedu waa in loo shaqeeyuhu qofka u dhiibtaa shaqo uu kasoo bixi karo isla markaana uu/ay ku habboonyahay. 

Nebi Muxammed NNKH qofkasta oo saxaabadiisa kamid ah waxa uu u dhiibay shaqo uu kasoo bixi karayo. 

Tus1: Nebi Muxumed NNKH, ‘’ Asxaabtiisa wuu kula yaqaanay, qofkastana meesha uu ku munaasibka yahay ayuu u dhiibayey, Tusaale ahaan, ‘’Macaad Ibnu Jabal waxa uu madax uga dhigay garsoorka maddaama oo xaga fiqiga iyo aqoonta xalaasha iyo xaaraanta aqoon dheeraada ulahaa waxa uu u dhiibay garsoorka Nebigu CSW. ‘’Asxaabigii Muscab Binu Cumayr dacwadda ayuu u dhiibey sababtuna waa in uu ahaa nin cilmi, xigmad iyo hab-dhaqan wanaagsan.‘’ Sidoo kale Cumar Binu Khadaab, ‘’ Wuxuu Nebigu CSW u dhiibey in lasoo ururiyo sadaqada iyo maalka umadda ka dhexeeya sababta oo ah wuxuu ahaa qof awood badan oo waxsoosaari kara caddaalina ah.’’ Khaalid Ibnu Waliid isagoo wakhti yar laga joogo islaamiddiisii wuxuu nebigu CSW u dhiibey hoggaamintii dagaalka iyagoo rag badan oo kagasoo horeeyey joogaan balse uu khibrad uu ulahaa aqoonta dagaalka iyo hoggaamintiisa. Sidaas oo kale ayaa Nebigu CSW baytul maalka ugu dhiibey Bilaal Binu Rabaax, Bangigii Islaamka iyo hayntii dhaqaalaha muslimiinta Wuxuuna nebigu eegayey amaanadiisa, Alle ka cabsigiisa iyo isaga oo aan adduunyada daneynayn.

2. CADAALAD (JUSTICE)

Nebigu CSW Waxa uu yidhi, '' Qofkasta oo adduunka marka uu joogo toban qof iyo waxkabadan xukumay waxa la soo joojinaya aakhiro isaga oo xidh-xidhan(garba duuban).

Haddii uu caddaalad sameyn jirey waxa la odhanayaa ka fura, malaa'igtaa  iyo mu'miniinta ayaa u markhaati furaya. Haddii aanu caddaali aheynna jiq ayaa lagusii siinayaa.''

Looshaqeeyuhu waa inuu u cadaalad sameeyaa shaqaalihiisa. Haddii loo shaqeeyuhu qaar kamida shaqaalaha soo dhaweysto qaarna fogeeyo taasi waa dulmi iyo xad-gudub. Ilaahayna ma jecla dulmiga iyo xad-gudubka. Maskaxdana ku hayn in kuwa ducadooda Ilaahay aqbalo ay kamid yihiin kuwa la dulmiyo.

3. CAAFIMAAD ( HEALTH)

In shaqaaluhu helaan bay'ad iyo qalab bedqab oo ay ku shaqeyn karaan marka ay gudanayaan waajibaad kooga shaqo ee maalin laha ah. Looshaqeeye waxa waajib kaasaaranyahay ilaalinta nafta iyo caafimaadka shaqaalaha inta ay ku gudo jiraan saacaddaha shaqada.  Si aad u ilaaliso bedqabka shaqaalahaaga ku tababar xirfaddaha bedqabka nafta ee shaqooyinka khatarta leh sida laydhka iyo dhismayaasha dhaadheer IWM.

4. XAQA (RIGHT)

Nebigu CSW Wuxuu yidhi, ‘’Wax ha dulmina, idinkuna ha isdulminina’’

Jacfar Al-Barmaki ayaa aabbihii oo ay wada xidhnaayeen weydiiyey:"Aabbe amar ku taagleyn iyo hanti urursi kadib, halkan miyaa inna hurranayd?"

Odaygii ayaa ugu warceliyay: Maya wiilkaygiiyow, habaarkii dulmanayaasha ee aynu hilmaamnay ayaa innagu habsaday.’’

Xuquuqda shaqaaluhu kugu leeyihiin way badan yihiin waxaana ka mid ah: Siinta xaqooga mushahar, gunno, fasax, xaqdhowr, ilaalinta sharaftooda, Diintooda, caafimaadkooda, cibaadaddooda iyo hab ladhaqan wanaagsan. In intaasba shaqaaluhu ka helo looshaqeeyaha waa mid waajib ah. Haddii intaa shaqaaluhu ka waayo looshaqeeyaha waxa marwalba hoos u dhacaya waxsoosaarka iyo ku qanacsanaanta shaqada loo igamaday.

Haddii shaqaaluhu qabanayo hawl ka baxsan shaqadiisa ama loo baahdo wakhti kabadan wakhtigii uu shaqeynayey waa in loo shaqeeyuhu kala heshiiyaa qofka shaqadaa dheeriga ah qabanaya ama uu siiyaa kharash u dhigma wakhtigaa dheeriga ah ee uu shaqeeyey (Overtime) haddii kale waa dulmi iyo xad-gudub.Taasi waxay keensanaysaa in shaqaaluhu u cabasho tago Waaxda qaabilsan cududda shaqaalaha ee wasaaradda shaqada u qaabilsan dalka si xaqa iyo xuquuqaha ka maqan ay uga heli karaan loo shaqeeya iyo in tabtaa Jacfar iyo wiilkiisa habaarkaasi ka dhasho dulmiga.

Guuleyso

Xuquuqda Qoraalku waxa ay u dhowrsantahay @Mohamud Ahmed Jama.

---------------------------------------------------


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..