Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka Shaqo Carbinta.

Somalijobs Inc

Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka Shaqo Carbinta. Apprenticeships: Benefits of Apprenticeships.

Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka shaqo carbinta.

Shaqo carbintu waa hab lagu tababaro da'yarta kasoo qalinjebisa jaamacaddaha dalka. Si ay uga faa'ideystaan fursaddaha yaalaha suuqa shaqada. Da'yartu in ay soo maraan shaqo carbin waxay dhaxalsiisaa waayo-aragnimo shaqo oo kaabis unoqon doonta mustaqbalkooda shaqo. Waxa fursad loosiinayaa in loo indho furo isla markaana uu barto shaqada, wada shaqeynta, dad dhexgalka, masuuliyadda iyo xirfaddo nololeed oo qof dhis u noqonaya shaqadiisa danbe. 

Shaqo carbinta muddadeedu waxay ku xidhantahay siyaasadda uqoran shirkadda, hay'adda ama xafiiskaa qofku ku qaadanayo shaqo carbinta. Sida caalamiga ah waa 3 bilood ilaa 6 bilood marka suuqa shaqada la joogo, Waxa taas ka gedisan carbiska waxbarashada oo noqon kara muddo sannad ah sida bahda caafimaadka barata oo kale. 

Faa'idooyinka carbiska shaqo waxa ka mid ah:

1. Shaqada

Barashada shaqada, qaabkaa iyo hanaanka loo shaqeeyo, nidaamyada la adeegsado, xirfaddaha muhiimka ah iyo xil gudashada waajibaadka shaqo ee loo diro qofka ku jira carbiska shaqo. Halkani waa salka lagasoo fuulo saaxadda shaqada waxaana qofku ka dhaxlayaa indho fur baaxadleh  oo la xidhiidha shaqada, goobta iyo wadashaqeynta kooxaha.

2. Naf-dhis

Carbiska shaqo qofku waxa uu ogaanayaa in ay ka dhimanyihiin waxbadani. Taas oo carbiskaasi indho fur u noqday albaabka isbarashano u furaya. Qofku waxa uu ogaanayaa halka uu taaganyahay, aqoonta, khibradda iyo waayo-aragnimada kadhiman. Qofku waxa uu u jiheysanayaa markaa naf-dhis in uu u qalab qaato tab iyo xeeladdii uu u sameyn lahaa horumarin nafeed. Waa marka qofku fahmo faa'idada ay leedahay maalgelinta nafeed ee xirfaddaha nololeed iyo kuwa shaqo ee lagaaga baahanyahay in aad naftaada ku kaabtid....... 

3. Xidhiidh Bulsho

Soomaalidu waxay hore u tidha, '' Dad iyo weel godanba waa la badsadaa.'' Inta aad carbiska shaqo ku jirto waxa aad baranaysaa oo wada shaqeyni idin dhex maraysaa bulsho badan oo goobo kala duwan kakala shaqeynaya. Xidhiidhkaa bulshe ee kuu furmay waa albaab aad ka korodhsan karto xirfaddo iyo waayo-aragnimooyin ku anfaca noloshaada oo dhan. 

4. Xog-ogaalnimo

Carbis ka shaqo waxa aad ka helaysaa xog-ogaalnimo ku aadan suuqa shaqada. Fursaddaha yaala, xirfaddaha looga baahanyahay, heerarka shaqada, derejooyinkooda, mushaharaadka, baahida looshaqeeyayaasha iwm.  Waxaad xog-ogaal u noqonaysaa baahiyaha xirfaddeed ee ka jira goobta shaqo taas oo haddii aad adigu isku qalabayso fursad kuu siinaysa kor usocoshada iyo fursad helidda carbiska shaqo kaddib.

 ---------------------------------------------------

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..