Sidee Loo Dhisaa Kalsoonida Shaqadaada! (How to Build Confidence in Your Work!)

By Mohamud Ahmed Jama.

Hordhaca Buuga: Sidee Loo Dhisaa Kalsoonida Shaqadaada!( How to Build Confidence in Your Work!)

1. Shaqadaada qabso.(Do your work.)
2. Noqo qof la isku hallayn karo.
(Be reliable.)
3. Gaadh kama-danbaysta shaqada. (Reach the deadline.)
4. Balanta Xooji.(Confirm the Promise.)
5. Dhagaysi Habboon.(Active Listening.)
6. Tixgelin muuji.(Show consideration.)
7. Xidhiidho Dhis.(Build Relationships.)
8. Xuduud yeelo.(Set boundaries.)

Nolosheena shaqooyinka aynu qabano marar badan waxaynu u baahannaa kalsooni buuxda in lagu qabo shaqadeena oo ay ku qabayaan looshaqeeyaha iyo kooxda wadashaqeyntu innaga dhaxaysoba.

Halkan waxaynu ku eegi doonnaa qodobo kooban oo ku saleysan habka iyo hannaanka aad u dhisi karto aaminaad iyo kalsooni buuxda in lagu qabo shaqada aad qabanayso. Waana midkamid ah furayaasha in kooxda wadashaqeynta leh iyo looshaqeeyuhuba kaaga gam'aan shaqada aad u xilsaarantahay in aad halkeeda saareyso.

Qodobada waxa kamid ah:

1. Shaqadaada qabso

Garo waajibaadka iyo hawlaha aad u xilsaarantahay shaqadaada kaddib qorshayso, qaabeyso isla markaana ujejebi habab aad shaqo walba si fudud aad ugasoo bixi lahayd. Nuxurku wuxuu ku koobanyahay shaqadaada qabso.

2. Noqo qof la isku hallayn karo

Qofka la isku halayn karayaa waa qofka shaqadiisa qabsada. Qof shaqadiisu cagajiid iyo meeraysi tahay, oo kala dhantaalaya isla markaana lagu daba joogo shaqo qabsigiisu ma aha qof la isku hallayn karo. Noqo qof la isku hallayn karo 100%

3. Gaadh kama-danbaysta shaqada (Deadline)

In la isku kaa hallayn karo, isla markaana ahaato qof shaqadiisa qabsanaya waxay ku xidhantahay ogaanshaha hawsha aad qabanayso, baaxaddeeda iyo wakhtiga ay ku eegtahay. Shaqo kasta oo aan lahayn wakhti ay ku eegtahay waa mid natiijadeedu lunto. Haddii shaqada laguu igmaday aanay lahayn wakhti ay dhammaanayso, kala sheekayso loosheqeeya in hawshan wakhti loo sameeyo...

4. Balanta Xooji

Shaqo kasta, balan kasta iyo hawl kasta oo kooxda aad wadashaqeynta leedihiin iyo looshaqeeyahaba aad ku heshiisaan wakhtigeeda ilaali. Marwalba noqo qofka ugu horeeya (Kaliya ma aha in aad kooxda ama looshaqeeyaha aad ixtiraamayso, balse waxa aad sharfaysa naftaada).

5. Dhagaysi Habboon.

Ha u dhagaysan waxba in aad jawaabto, balse u dhagayso in aad fahamto oo aad wax ka korodhsato. Dhagaysiga habbooni wuxuu kordhiyaa kalsoonida, kooxda iyo looshaqeeyahana wuxuu kaaga kordhinayaa ixtiraam iyo qadarin in aad dareennadaada hadalkooda ku jeediso...

6. Tixgelin muuji.

''Qof ixtiraam kuu muujiyey, wuu kaala qiimo badan yahay qof adduun kusiiyey.''- Sh. Mustafe

Qofkasta qiimihiisa sii, Tixgelin muuji. Hadba ficillada adiga kaasoo fula iyo sida aad dadka shaqo-wadaagta tihiin aad ula dhaqanto ayuunbay adigana kuula dhaqmayaan. Waxa aad qiimihiisa bixiso ayaad natiijo wanaagsan ka helaysaa.

7. Xidhiidho Dhis

Dadyowga inagu xeerani waxay kamid yihiin arrimaha saameynta weyn kuleh halka aynu hiigsaneyno. Dadyow aad khibrad, aqoon, xirfad iyo waayo-aragnimo aad ka dheefayso in aad ku xidhanto guddaha iyo dibedda goobta shaqo waa mid sare u qaadeysa qiimaha iyo kalsoonida naftaada. Xidhiidhadaada dhis aasaasna ha u ahaato kala faa'ideysi aan ku dhisnayn danaysi ee ku dhisan iscaawin, iska warhayn, is dhiirigelin, istaageerid iyo isgarab-gelid. 

8. Xuduud yeelo.

Noloshu waa wada codsiyo fariin, wicitaan, balamo, ciyaar, maadeys, caways, shaah iyo sheeko. Haddii aaney xuduud ka yeelan arrimahaa tiro beelka ah waxa meesha ka bixi doonta wakhti u helidda horumarinta naftaada iyo shaqadaada. Xuduud yeelo waligaa. 

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..