Tabaha Wax-Soosaarka Qofeed(Personal Productivity Tips)
Tabaha Wax-Soosaarka Qofeed.(Personal Productivity Tips)
By Mohamud Ahmed Jama.
Hordhaca Buuga: Tabaha Wax-Soosaarka Qofeed.(Personal Productivity Tips)
Ahaanshiyaha qof wax soo saar lihi waxay xidhiidh la leedahay, maamulidda wakhtigaaga. Tani waxa ay kuu fududaynaysaa in arrimahaagu u socdaan sida aad adigu rabto. Qodobadan soo socda ayaa kaa caawin doona in aad noqoto qof wax soo saar le:
- Hadaf
Qeex oo sheeg waxa aad doonayso in aad ka guul gaadho, sidoo kalena hubi in hadafyadaadu yihiin kuwo kooban, la gaadhi karo sidoo kalena cayiman. - Jedweleyn
Isku day in aad qorto hadba shaqada aad qabanayso, adiga oo muhiimad siinaya sida ay u kala mudan yihiin, una kala degdeg badan yihiin. Tani waxa ay kaa caawin doontaa in aad awoodda saarto, waxyaabaha ay tahay in marka horeba la qabto.
- Xaddidaado
Wakhti xaddidan u samee shaqo kasta oo kooban, tani waxa ay kaa caawinaysaa in aad wakhtigaaga u maamusho si saamayn le, kana hor tagto wax kasta oo caqabad taas ku ah. - Ka Fagow Mashquuliyayaasha
Ugu horrayn qeex waxa ay yihiin mashquuliyayaashaadu, kedib waxa aad heshaa wadaddii aad ku yarayn lahayd amaba aad kaga saari lahayd noloshaada. Tusaale ahaan: in aad Mobile-ka iska xidho marka aad wax akriyayso; in aad hoos u dhigto kulamada asxaabta waqtiyada aad diyaarinta ku jirto iyo wax kasta oo si uun xidhiidh ula le in uu ka qayb qaato mashquulintaada. - Nasasho
Qaadashada nasashadu waxay kaa caawinaysaa in aad mar kasta ahaato qof firfircoon, tamarle sidoo kalena jidh ahaan iyo maskax ahaanba awood ule. - Dib u Eegis
Dhamaadka maalin kasta isku day in aad dib u qiimayn ku samayso wixii aad maalinkaa qabatay. U isticmaal xogtan si aad ugu horumariso wax soo saarkaaga qofeed. Midna ogow: ahaanshiyaha qof wax soo saarle kuma xidhna in aad shaqo badan qabato; se waa in aad shaqada u qabato sidii ugu saxsanayd.
Ugu dambayn raacitaanka qodobadani waxa ay kuu fududaynaysaa, in aad horumariso wax soo saarkaaga qofeed, sidoo kalena aad hadafkaaga gaadho.
--------------------------------------------------
Comments
Post a Comment