Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan
![Somalijobs Inc](/src/blog-images/9b9818d5a298f5d41036cd20d8cd9353/11842077867855294.jpg)
Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan
Imtixaanku waa tijaabo la mariyo tiro badan oo u tartamaysa boos shaqo oo ka banaan hay'ad, shirkad, ganacsi ama xafiis dawladdeed oo looga dan leeyahay hubin aqooneed oo la xidhiidhka fursadda loo tartamayo. Dadbadan ayaa tijaabadaasi werwer badan ku abuurtaa marka ay fariin ka helaan looshaqeeye ay hore u codsadeen boos shaqo oo ka banaan.
1. Diyaargarow
Mar haddii aad hore u codsatay shaqadan taas macneheedu waa in aad sifiican u akhriday, uga bogatay, ugu fiirsatay baahida looshaqeeyaha ee uu kusoo bandhigey xayeysiiska shaqo ee qof leh aqoon, khibraddo iyo xirfaddaha uusoo bandhigey. Markale ku noqo aqoonta iyo xirfaddaha farsamo ee uu raadinayo. In aad ka hormarto wakhtigii lagula balamay mooyaane haka dib dhicin, looshaqeeyuhu wuxuu eegayaa dadka doonistoodu sareyso ee wakhti hore yimaada goobta imtixaanka lagu qaadayo.
2. Baadhis
Baadhis ku samee xirfaddahaa iyo aqoontaa farsamo ee looshaqeeyuhu raadinayo adiga oo isku deyaya in aad aad usii dhexgasho si aad uga jawaabi karto waydiimaha ka iman kara ee farsamo (Technical) Tus: Accounting Softwares Odoo, SAP, XERO, QUICKBOOKS.
3. Kalsooni.
Naftaada deji, una sheeg in aad diyaar tahay. Neef dheer qaado saddex jeer, ducayso, naftaadana si togan (Positive) ah ula hadal. Ku kalsoonow naftaada, aqoontaada, khibraddaada iyo dhiiranaantaada. Ka shaqee wixii aad garanayso, u fikir inta aad garanweydo hana degdegin.
-----------------------------------------------------
Comments
Post a Comment