Waraysiga Shaqo: Werwerka Badan

Somalijobs Inc

Waraysiga Shaqo: Werwerka Badan

Waa suuregal adiga oo shaqo raadinaya in waraysiga shaqadu werwer badan kugu abuuro. Ogow in aad kaligaa ku aheyn caqabaddaa balse lagaala siman yahay qofkasta oo marxaladdaa marayaana uu aad u dareemo. Waa caqabad sii badinaysa jawaab u waayidda su'aalo badan oo ka imanaya dhinaca waraysi shaqo qaadaha ama looshaqeeyahaba, taas oo ku dhaxalsiin karta guuldarro aad kala kulanto waraysiga shaqo. 

Guushaadu waxa ay ku xidhantahay habka aad u maamushid amma aad u dejisid heerka werwerkaaga. Halkan waxa aynu kuwadaagi doonnaa qodobo kaa caawin doona yaraynta werwerka waraysiga shaqo aad kala kulanto kahor marka aad fariinta martiqaadka hesho ilaa inta aad kasoo baxayso. 

1. Qorshe diyaargarow

Soomaalidu waxay tidhaa, '' Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay.'' si kale haddii aynu u dhigno, ''Arrin la qorsheeyey meel laga bilaabo ayey leedahay.'' Qorshe diyaargarow in aad sameystaa waa muhiim inta aad kugudo jirto heerarka shaqo raadinta. Qorshayn wakhtiyeedka ka hadhay waraysiga shaqo waxbadan ayaad ku xaqiijin kartaa sida dib ugu noqoshada waraaqihii aad dirtay, waxa kaaga iman karo ee waydiimo ah, hababka aad uga jawaabi lahayd iwm.

2. Baadhis samee (Shirkadda/Hay'adda/Xafiiska Dawladeed)

Waa muhiim in aad ogaato cidda shaqada baahisay, shaqooyinka ay qabtaan, yoolashooda, hiigsigooda iyo xiisahaaga ama danayntaada shaqada aad rabto sida ay isku leeyihiin ama isugu habboon yihiin. Waa mid kaa dhigi karta qof og baahida looshaqeeyaha iyo arrimaha uu ka duulayo.

3. Tababar

Ku celiceli gaar ahaan taada xirfaddaha waraysiga shaqo. Taasi waxay kaa dhigaysaa qof sifiican u fahmaya qaabdhismeedka waraysiga shaqo, waydiimaha looshaqeeyuhu ku waydiinayo iyo hababka aad uga jawaabayso, diyaarsiga waydiimo aad ugu danbeynta su'aasho iwm

4. Fikirka taban (Negative Thinking)

Ka dheerow fikirka taban waxa uu sii kordhinayaa heerka werwerkaaga. Badi arrimaha dhallinyarada aad ka maqlayso waxa ka mid ah, '' Waxa aan doonayaa in aan shaqada helo ama waan rejo dhigayaa oo shaqo la'aanayaa, Waydiinta waan garen waayey waan filayaa in aan shaqada aanan helayn, Waxa aan ka cabsanaya in waydiin noocaasa i waydiiyaan oo aan u muuqdo doqon.'' 

Dhinaca wanaagsan wax ka eeg. Taas ayaa ku siinaysa kalsooni aad ku xakameyn karto heerka werwerkaaga. Haddii aad si taban u fikirto markasta waxa wiiqmaysa kalsoonidaada taaso oo horseed ka noqonaysa guuldarradaada. 

5. Diiradda saar guusha.

Tartanku waa guul iyo aqoon barasho. Qofka laga guuleystaa ma uu guuldareysane waxa uu helay tab iyo xeelad ku aadan habka waraysiga shaqo. Waxa uu galay tijaabo uu ka helay waayo-aragnimo kaabis iyo dhisme u noqon doonta guulihiisa danbe. Waxa kuu furmay albaab aad aqoon, xirfad iyo waayo-aragnimo raadsato taaso oo guulo badan kuu horseedi doonta. 

Fikirka togan iyo naf-lahadalka suubani waxa uu kordhiyaa kalsoonidaada, kudhacaaga, ka baaraandegiddaada iyo dejinta naftaada mararka aad dareento werwer badan. Niyadda u sheeg in aad guuleysanayso, ilaahay talo saaro oo duceyso.


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..