Waydiin Iyo Warcelin: Codsiga Shaqooyinka

Somalijobs Inc

Waydiin Iyo Warcelin: Codsiga Shaqooyinka

WAYDIIN IYO WARCELIN: Codsiga Shaqooyinka

  1. Haddii shaqada shuruuddeheedda ay ku xusantahay shahaaddada lagaa rabaa waa dugsi sare aniguna aan haysto heer jaamacaddeed, Sidee ayaan u kala horeysiiyaa?

Warcelin: Haddii shuruuddaha looshaqeeyuhu soobandhigay ay ku xusantahay heerka waxbarasho ugu sareeya ee lagaa rabaa waa shahaaddo dugsi sare waxa muhiim ah intaad cadeyntaas aad ku istaagto oo aanad ku darin shahaaddo aan shardi lagaaga dhigin. Had iyo jeer ka tusaale iyo gundhig qaado baahida looshaqeeyuhu soobandhigay ee uu ku qoray xayeysiiska shaqo. 

2.            Hal CV imisa shaqo ayaan ku xareyn karaa?

Warcelin: Hal CV waxa aad ku xareyn kartaa hal shaqo oo kaliya. Sababtu waa in looshaqeeye A baahidiisa uu soobandhigayaa ay ka duwan tahay baahida looshaqeeye B uu soo bandhigay. Sidaasna ay khalad ku noqonayso in aad hal CV 10 shaqo ku xareyso.

 

Xasuusnow: Waa sababta aan dadbadan codsiyadooda loogasoo jawaabin ee CV yadooda looga gudbo. 

3.            Ma saxbaa in aan 5 jeer diro codsigayga shaqada(5 Cisho oo kala duwan si loo eego CVgayga.)?

Warcelin: Sax ma aha. Mar haddii uu kaa baxay codsiga shaqada iimeylku (Email) uma baahnid in aad 2 iyo wax kabadan aad ku celiso. Haddiise aanu kaa bixin oo farriin kugusoo celiyo markale dib waad u diri kartaa. Waxa ka muhiimsan in aad codsigaaga si ka fiirsi dheer leh uga shaqeyso, kaddib aad dirto hal codsi shaqo oo aad xayaabo tirtay isla markaana aad sifiican uga shaqeysay.

4.            Iimeylka marka aad dirayo maku qoraa codsiga fadlan shaqadan isiiya?

Warcelin: Muhiim aha inaad baryootanto. Taas beddelkeeda aqoontaada waa in loo baahdaa oo ay aqoontaadu ku iibisaa. Haddii aad kusoo baxdo booska shaqo waxay keensan kartaa in lagugu tacadiyo oo baahidaada laga faa’ideysto iyadoo shaqooyin badan oo aanad xaq ugu lahayn tunka laguu saari karo. Ka dheero waxkasta oo wiiqaya qofnimaddaada iyo sharaftaadaba. 

 

5.            Sideen ukala horaysiiyaa qaab qoraalka CVga?

Warcelin: Waa waydiin muhiim oo gudo balaadhan balse waxaan kusoo koobi karnaa qodobadan hoose:

  • Contact Details: Qofkani waa kuma, halkuu joogaa iyo halkee lagala xidhiidhaa
  • Personal Statement: Nuxur kusoo koobid sadaro kooban sababta aad u codsanayo shaqada
  • Work Experience: Khibraddaha shaqo adiga oo xusaya taariikhda,booska iyo waajibaadka shaqo
  • Education: Heerarkaaga waxbarasho siday ukala danbeeyeen ukala horeysii
  • Skills: Xirfaddaha shaqo (Tababarro) iyo Xirfaddaha nololeed
  • Interest & Languages:Xus arrimaha aad xiiseyso iyo luqada lagaa rabo ee shardiga baahinta kujira
  • Reference: Tixraaca

Fiiro gaar: In aad shaqo heshaa 50% waxay ku xidhantahay hadba diyaargarowgaaga.

 

 ---------------------------------------------------

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..