Waydiin Iyo Warcelin: Tixraaca

Somalijobs Inc

Waydiin Iyo Warcelin: Tixraaca

1. Waydiin: Xog nooceeya ayaa la iiga baahanyahay in aan ku qoro tixraaca?

Warcelin: Marka aad qorayso warqad codsiyeedkaaga shaqo waa in aad ku dartaac tixraac leh macluumaadkan hoose:

- Magaca qofka oo saddexan

- Booskiiska shaqo (Current Job/ Position)

- Shirkadda/Xafiiska ama hay'adda uu ka shaqeeyo

- Tilifoon nambarkiisa

- Cinwaankiisa iimeylka (Email Address)

- Ka warbixin tixraac (Waad ku dari kartaa waanad ka tegi kartaa) Waa in aad qorto weedho kooban hoo sharaxaya cidda aad u taqaan iyo in aad soowada shaqeyseen adiga oo sheegaya goobta, goorta iyo muddada aad soowada shaqeyseen.

Tusaale ahaan;

Ahmed Abdi Abdi

System Administrator

Somalijobs Inc

(00252) 000 0000

Ahmedabdiabdi@somalijobs.com

Ahmed was my system administrator from 2019 to 2021 when i worked as a assistant sysmtem administrator for Somalijobs Inc.

2. Waydiin: Looshaqeeyuhu mala xidhiidhaa qofka aan ku qortay tixraaca?

Warcelin: Haa. Looshaqeeyayaashu way la xidhiidhaan xubnaha aad tixraaca ku qoratay iyaga oo waydiinaya waydiimahan hoose oo kale:

- Maxaad ka taqaana tartamahan (A)?

- Sidee ayaad usoo wada shaqeyseen?

- Shaqo ka wareegistiisa/teeda maxaa keenay?

- Ma noo tilmaami kartaa booskii iyo doorkii shaqo ee tartamahan? Wakhti intee leeg ayuu tartamahani shaqooyinkaa qabanayey?

- Tartamuhu marna ma helay dalacsiin shaqo shirkadda/hay'adda dhexdeeda?

- Tartamuhu ma buuxiyey xirfaddihii looga baahnaa shaqadan markuu shaqada bilaabayey?

- Tartamuhu ma gaadhey wax guulo ah intii uu shaqeynayey?

- Markale ma qaadan lahayd haddii aad fursad u hesho in uu shaqo soo codsado?

- Ma kula talin lahayd shirkad kale in ay qaadato qofka tartamaha ah? Haddii ay haa tahay sababma haddii ay maya tahayna sababma?

Waydiimahan iyo waydiimo kale oo badan ayuu looshaqeeyuhu waydiinayaa qofkaad ku qoroto tixraaca. Maqaal kale ayeynu kaga sheekayn doonnaa ilaahay idamkii.

3. Waydiin: Yaa ugu fiican oo aan ku qortaa tixraaca qorista codsiga shaqo?

Warcelin: Ugu muhiimsan marka la eegayo waxa ugu fiican in aad ku qorto

- Madaxda (Maamulladdii goobaha shaqo ee hore iyo kuwa danbeba)

- Kormeerayaal

- Shaqalaha shaqo wadaagta aad tihiin.

- Professor (Haddii aad qorayso CV aan khibrad lahayn)

- La-taliyeyaal

4. Waydiin: Imisa tixraac ayaan ku daraa warqad codsiyeedkayga shaqo?

Warcelin: Waxa go'aaminaya tirada tixraaca xayeysiiska shaqo ee la baahiyey. Waxaad ka hubsan kartaa qaybta u hoseysa ee xogta la baahiyey Qaabka loo codsanayo shaqada (How to APPLY ).

Haddii aan waxba lagu cadeyn waxa habboon haddii aanad khibrad badan lahayn in aadd 3 ilaa 4 aad ku qorto. Haddii aad codsanayo boosas sare waxa habboon inaad ku qorto 5 ilaa 7 tixraac.

Sidoo kale waxa ku furan in aad ku qorto Waan idiin soo gudbin marka aad igasoo codsataan.

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..