Xalka Shaqo La’aanta

Somalijobs Inc

Xalka Shaqo La’aanta

Hoos u dhigidda xadiga shaqo la’aantu waa hawl adag, sidoo kalena wejiyo badan. Waa arrin u baahan in laga istaago: dhanka siyaasada, dhaqaalaha iyo isbedellada bulsheed. Si lamida sidaa shaqo la’aantu waxa ay sababtaa in hoos u dhaco dhaqaalaha bulsho, korriinkeeda, aqoonteeda iyo kaabayaasheeda dhaqaale. Waxa jira qodobo guud oo innaga caawin doona in aynu hoos u dhigno xadiga shaqo la’aanta; qodobadaasna waxa kamida: 

  • Korriin Dhaqaale 

Waxa waajiba in ay dawladuhu hirgaliyaan siyaasado kor u qaadaya sidoo kalena dhiirigelinaya korodhka dhaqaalaha; sida kaabayaasha dhaqaalaha iyo cashuuraha oo hoos loo dhigo. Mar kasta oo dhaqaaluhu kordho ganacsiyadu waxa ay ku dhiiran doonaan in ay abuuraan shaqooyin cusub, mar kasta oo shaqo cusubi soo baxdana waxa hoos u dhacaya xaddigii shaqo la’aanta. 

  • Maalgelinta Goobaha Aqoonta iyo Tobabarada. 

Bixinta aqoon iyo tobabaro waxa ay innaga caawin doontaa in aynu fahanno qaabka uu u shaqeeyo suuqu. Mar kasta oo aynu fahanno qaabka uu suuqu u shaqaynayo waxa aynu ku guulaysan doonaa shaqooyinka aynu hayno. Tanina waxa ay hoos u dhigi doontaa shaqo la’aanta qaadan karta waqtiga dheer. 

  • Kordhinta Suuqa Shaqaalaha 

Kordhinta suuqa shaqaalaha iyo sidoo kale In la fududeeyo oo hoos loo dhigo shuruudaha shaqoooyinka lagu helayaa, waxa ay kordhin doontaa fursadaha shaqo helineed. Waxaanay abuuri doontaa fursado shaqo oo badan, hoosna way u dhigi doontaa xaddiga shaqo la’aaneed. 

  • Kacdoon Warshadeed 

Abuurista shaqooyin ay dad badani galayaan, dadkaas oo kala wada xirfadi, waxa ay hoos u dhigaysaa xaddiga shaqo la’aaneed ee jira; sida tusaale ahaan: in la abuuro mashaariic cusub, oo noqon kara sida: dib u cusboonaysiinta tamarta iyo dhir-beerista.  

  • Dhiirigelinta Hal-abuurka 

Dawladaha waxa waajib ku ah in ay dhiiri geliyaan hal-abuurka, iyaga oo siinaya: dhaqaale, tobabarro iyo sidoo kale wax kasta oo ay uga baahdaan in ay shakhsi ahaan ugu bilowdaan ganacsiyo u gaar ah. Tani waxa ay ka caawin doontaa inay samaystaan shaqooyin u gaar ah sidoo kalena shaqaalaysiiyaan shaqaale badan.  

  • Faquuq La’aanta 

Takoorku waa mushkilad aad u weyn oo haysata bulshooyinka, gaar ahaan soomaalida.in cidi lagu takooro: qabiilka ay ka soo jeedaan, qaabka abuurtooda, jinsigooda iyo sidoo kale heerka aqoontoodu waxa ay keensanaysaa shaqo la’aan baahsan. Hoos u dhigidda faquuqa iyo sinaanta oo kor loo qaadaa waxa ay keensanaysaa in shaqaale badan la qaato.  

Ugu dambayn waxa waajiba in dawladda iyo shakhsi kastaaba uu ka shaqeeyo sidii hoos loogu dhigi lahaa xaddiga shaqo la’aanta, loona abuuri lahaa fursado cusub oo ay ka faa’iidaystaan dadku.

-------------------------------------------------- 

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..