Xeerarka Shaqo Raadinta

Somalijobs Inc

Xeerarka Shaqo Raadinta

Shaqo raadintu waa hawl culays leh, sidoo kalena caqabado la socdaan. Hadana raaci taanka xeerarka ay u dejiyeen cilmi baadhayaashu waxa uu kuu fududayn doonaa in aad si fudud u maamusho, sidoo kalena aad kordhiso fursadda aad ku heli karayso shaqo. Waa kuwan qaar kamida xeerarka shaqo raadinta: 

1.Is Baro 

Ka hor inta aanad bilaabin shaqo raadinta waa muhiim barashada waxyaabaha aad awoodda ku leedahay iyo waxyaabaha aad xiisayso. Sidaa daraadeed waxa aad awoodda saari karaysaa shaqada kulmisa shayga aad awoodda ku leedahay sidoo kalena aad xiisaynayso. 

2.Diyaarso CV-gaaga 

Mar kasta ka feker in uu diyaarsan yahay CV-gaagu, adiga oo ku tolaya hadba shaqada aad codsanayso. Taas macnaheedu waa: in aad mar kasta ka war hayso shaqada aad codsanayso shuruudaha looga baahan yahay.  

3. Baadhis Samee
Ka hor inta aanad shaqada codsan waa muhiim in aad baadhis ku samayso shirkadda, Hay’adda ama xafiiska aad doonayso in aad ka shaqayso iyo sidoo kale booska aad ka shaqayn doonto; si aad u hubiso in uu yahay deegaan kugu habboon. Sidoo kalena waxay tani kaa caawin doontaa in aad u diyaar garowdo waraysiga shaqada (Interview) waxaanay tani kaa caawinaysaa in aad sii saadiliso su’aalaha lagu weydiin karo iyo baahidda loo shaqeeyaha.

4. Xidhiidho
Dhisidda xidhiidhadu waaa arrin muhiim u ah helidda shaqada. Samaysashada xidhiidho cusub iyo adkaynta kuwii hore ee aad lahayd waxay kuu saamaxayaan in aad mar walba la socoto fursadaha dhaqdhaqaaq ee suuqa ka jira.

5. Samir
Waxa suurto gal in aad shaqo heshaa in ay qaadato waqti dheer; sidaa daraadeed waa muhiim in aad lahaato samir. Sidoo kalena aad codsato shaqooyinka aad aragto, xataa hadii laguu soo jawaabi waayo. Haka cabsan in laguu soo jawaabi waayo, sidoo kalena haka werwerin in aad ku soo bixi weydo liisaska dadka shaqooyinka helay. Samirka iyo dadaalka ayaa ah albaabada kuu furaya guusha.

6. Diyaar u Ahaw Waraysiga Shaqo
Hadii aad ku soo baxdo boos shaqo kedibna laguugu yeedho waraysi shaqo, isku day in aad qaadato waqti aad ku diyaar garowdo. Sidoo kalena aad baadhis ku samayso Shirkadda, Hay’adda ama Xafiiska aad ku soo baxday liiska dadka u soo gudbay waraysiga shaqo. Dib u eeg oo ku celceli su’aalaha guud ee laysku weydiiyo waraysiga shaqo. Sidoo kalena ka feker sida ay xirfadaada iyo aqoontaadu ula jaan qaadayaan qodobadii loo baahnaa.

7. Wanaag Filo
Inta aad ku gudo jirto raadinta shaqada waxa laga yaabaa in aad marar badan in aanad helin, se waxa muhiim ah in filashadaadu mar kasta aad u sarrayso. Sidoo kalena fekerkaagu uu ku qotomo aragti saxa. Tani waxay kaa caawin doontaa in aad ahaato qof dhiirran, sidoo kalena aad diirrada saarto shaqooyinka kugu habboon.

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..