Xirfaddaha: 5 Xirfaddood Oo Suuqa Shaqada Soomaalida Looga Baahanyahay! (Skills: 5 Skills Needed in the Somali Job Market!)

By Mohamud Ahmed Jama.

Hordhaca Buuga: Xirfaddaha: 5 Xirfaddood Oo Suuqa Shaqada Soomaalida Looga Baahanyahay!Skills: 5 Skills Needed in the Somali Job Market!

1. Bedqabka Xogaha (Information Security).
2. Horumarinta Ganacsiga (Business development)
3. Isbeddelka Tiknoolajiyadda (Digital Transformation)
4. Software and Application Development (UX/UI, blockchain programming)
5. Qorshaha iyo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing & Strategy)

Saadaasha isbeddellada shaqo ee iman doona waxay tibaaxayaan in xirfaddo badan lagu gudbi doonno isla markaana shaqooyin badan ay qaban doonaan mashiinno (Robots).  Shaqooyinka mustaqbalka kuwa muhiimka ah ee suuqa shaqada dhinaca tiknoolajiyadda iyo xafiisyada looga baahan yahay.

Halkan waxa aynu ku wadaagi doonnaa xirfaddo muhiim u ah suuqa shaqada ee deegannada Soomaalida. Dadyowga barta ama leh xirfaddahaasina ku dhex yeelan doonnaan tixgelin badan qabashada codsiga tartanka shaqooyinka banaan.

1. Bedqabka Xogaha (Information Security)

Waa aqoon balaadhan marka laga hadlayo bedqabka sida bedqabka qalabka, adeegsiga, siraha xogta iyo shabakaddahaba.  Shaqada ugu waynina waa hubinta bedqabka xogta ama macluumaadka. Waa aqoon leh heerar kala duwan sida heerka 1aad ilaalinta kooban, heerka 2aad ilaalin horumarsan iyo heerka 3aad ilaalinta ugu badan midkasta waxa uu ku xidhanyahay hadba heerka aqoonta iyo khibraddaha uu leeyahay qofka barta kuna shaqeynaya xirfaddahan.

Xirfaddahani waa muhiim bedqabka xogaha

- Cybersecurity Skills 

2. Horumarinta Ganacsiga (Business development)

Ganacsiyada yar-yar waa ilaha shaqo abuur ee waddan kasta. Waddanba waddanka uu ka shirkaddo yar-yar iyo dhexe badan yahay ayuu ka dhaqaale iyo shaqo abuur badan yahay. Xirfaddani waa mid uu baahi weyn u qabo suuqa ganacsiga Soomaalidu. 

Qof aqoon u leh iibka, suuqgeynta, wada-xidhiidhka, Falanqeynta, maamulka mashaariicda iyo xirfaddaha cilmibaadhista qof lehbaa noqon kara horumariye ganacsi. Baro xirfaddan si aad u horumariso ganacsiyada ka jira bay'addaada shaqo.

3. Isbeddelka Tiknoolajiyadda (Digital Transformation)

Isbeddellada tiknoolajigu waxa uu ku socdaa xawaare aan la qiyaasi karin. Sannadada soo socda badi arrimaha gacanta laga qabto waa laga maarmi doonaa. Taasi waxay keenaysaa inay meesha ka baxaan shaqooyin badan. 

Isku xidhka ganacsiga iyo tiknoolajiyaddu waa mid baahi looqabo suuqa shaqada. Haddii beryihii hore faylal waraaqo ah lagu kaydin jirey qolal iyo xafiisyo hadda kadib waxa lagu kaydin doonaa hawada. Qaansheegaha, lacag qabashada, saxeexyada, bixinta liisamada, baasabooradda, Caddeymaha waraaqaha dhalashada, danbi la'aanta, jeegagga lacagta IWM badi waxay isku beddeli doonaan habka adeegsiga casriga ah. 

Xirfaddahani waa muhiim Isbeddelka tiknoolajiyadda

- Cloud Computing  - Kaydka xoga oo aad adeegsan karto marwalba iyo meelwalba oo aad joogto

- Mobile Platforms 

- Machine Learning & AI

4. Software and Application Development (UX/UI, blockchain programming)

Waa qayb kamida tiknoolajiyadda oo lagu sameeyo, diyaariyo, rakibo, adeegsado iyo kaaliye barnaamij shaqo ay diyaariyeen cid aqoon durugsan u leh barnaamijyada koombiyuutarka oo adeegsanaya xirfaddo iyo qalab kala duwan. 

Xirfaddahani waa muhiim waana kuwa looga baahanyahay suuqa shaqada Soomaalida.

- System Software 

- Utility Software

- Application Software

Xirfaddaha iyo kuwa kale oo badaniba waa kuwa ay tahay in shakhsi ahaan qofka aqoonta tiknoolajiga baranayaa aqoon u yeesho. Shirkaddaha, hay'addaha iyo xafiisyada dawladduna ku qalabeeyaan shaqaalohooga si adeegga, alaabta iyo mashaariicda ay fulinayaanba u noqdaan kuwo taabo gala. 

5. Qorshaha iyo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing & Strategy)

Haddii berigii hore la adeegsan jirey wartebinta waraaqaha, radiyowga, tvyada, makarafoonada wareega iwm. Maanta habka ugu sahlan ee macaamiisha fariin lagu gaadhsiiya waa baraha bulshada. Fariin alaab cusub oo shirkaddi soo kordhisay, qiimo dhimis, adeeg cusub, mashruuc cusub iwm ah habka la adeegsadaa waa suuqgeynta casriga ah oo ku fadhida qorsheyn. 

Xirfaddaha nololeed ama fudud ee kuwaa ku ladhan waxa ka mid ah:

- Xalinta dhibaatooyinka/mushkiladdaha (Problem Solving)

- Maamulka Nafta 

- Xirfadda wadashaqeynta 


------------------------------------------------------------------

Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..