Xirfaddaha Maamulka Xafiisyada(Office Management Skills)
Hordhaca Buuga: Xirfaddaha Maamulka Xafiisyada .(Office Management Skills)
Ganacsiyada casriga ah ee maanta, maareeyayaasha xafiisyadu waxay noqdeen laf-dhabarta hab-dhiska oo dhan. Waxay mas'uul ka noqdeen, hababka nidaamka guud, isgaadhsiinta, kormeerka, tababarka, maamulka iyo hubinta in dhammaan xafiiska hawlihiisu uu si habsami leh u socdo. Sidaa darteed, si loo hubiyo in wax walba u shaqeeyaan sida ugu wanaagsan, waa inay si fiican u yaqaanaan xirfadaha maaraynta xafiisyada lagama maarmaanka ah.
Hadii aad rabto in aad kordhiso xirfaddaada maareynta xafiisyada, waxa waajib ah in aad lahaato xirfado maamul oo xooggan.
Halkan waxa aynu ku eegi doonaa Sagaal xirafadood oo udub-dhexaad u ah maamulka xafiisyada.
1. Xirfadaha qorshaynta
Maareeye xafiis ahaan, waa inaad ku fiican tahay qorsheynta, laga bilaabo shirarka xafiiska, maaraynta wufuudda, iyo hawlaha kale ee ganacsiga ee ururka, hay’adda, shirkadda ama goobta shaqada; si aad wax walba ugu fuliso si hufan adiga oo ku dhamaynaya hawl kastana waqtigeeda.
2. Xirfadaha maamulka
Iyadoo qayb ka ah shaqadaada, waxaad masuul ka noqon doontaa inaad qabato hawlaha kale ee maamulka. Waxaad mas'uul ka noqon doontaa inaad qorto shaqaale cusub, kuwo kale aad shaqo joojin ku samayso. Sidoo kalena aad qiimeyn ku samayso: waxqabadka, tababarka iyo kormeerka shaqaalaha cusub. Waa inaad samaysaa qorshe, jadwal iyo ka qayb galka shirarka madaxda kaa saraysa.
3. Xirfadaha falanqaynta
Maareeye xafiis ahaan, waa inaad lahaataa nooc ka mid ah xirfadaha falanqaynta si aad shaqadaada ugu qabato sida ugu macquulsan. Waa inaad si fiican ula socotaa hab-dhaqanka, iyo habraacyada si aad si hufan ugu qabato shaqadaada. Waa inaad si fiican ula socotaa xalalka ugu fiican ee suurtogalka ah kuwaas oo gacan ka geysan doona kobaca xafiiskaaga.
4. Xirfadaha kombiyuutarka
Maareeye xafiis ahaan, waa inaad lahaataa tababar xoog leh oo ku saabsan xirfadaha kumbuyuutarka. sababtoo ah waxaa lagu waydiin karaa inaad qabato hawlo kala duwan oo ku xidhan shaqadaada gaarka ah.
Si gaar ah waa in aad aqoon ugu yeelataa hadba softwares-ka lagaga shaqaynayo xafiiskaaga, sida: Excel, Power point iyo quick book.
5. Xirfadaha isgaadhsiinta
Maareeye xafiis ahaan, waa inaad lahaataa xirfado isgaadhsiineed oo xooggan, maadaama aad noqonayso qofka ugu horreeya ee la kulmaya macaamiisha imanaya haddii ay khubarada kala duwani ka maqan yihiin xafiiska.
Waa inaad si wax ku ool ah ula xidhiidho shaqada dhexdeeda hadal ahaan iyo qoraal ahaanba.
6. Xirfadaha maamulka wakhtiga
Iyada oo qayb ka ah shaqadaada, waa inaad leedahay xirfado aad u wanaagsan oo ku saabsan maaraynta wakhtiga si aad uga faa'iidaysato daqiiqad kasta oo ka mid ah waajibaadkaaga si aad u gaadho awooddeeda ugu fiican oo aad u tuujiso natiijada ugu badan. Waa inaad awood u yeelatid inaad si habboon u qoondayso oo aad hawl kasta ku qabato wakhtigeeda iyadoon wax wakhti ah lagaa lumin.
7. Xirafadaha xallinta dhibaatooyinka
Maareeye xafiis ahaan, waa in aad lahaataa xirfadaha xallinta dhibaatooyinka. Waa in aad oddorostaa sidoo kalena ogaataa mushkiladaha kugu soo wajahan iyo kuwa haatanba yaal xafiiska. Si aad u noqoto xalliye wax ku ool ah waa in aad dhisto: xirafadda hal-abuurka iyo sidoo kale xirfadda fekerka.
8. Xirfadaha hoggaaminta
Maareeye xafiis ahaan, waxaad had iyo jeer ku hogaamin doontaa xafiiskaaga dhinaca hore, hadaba si aad u hubiso in wax walba ay si fiican ugu socdaan shaqada dhexdeeda: Waa inaad dhiirigelisaa shaqaalaha si ay u soo saaraan natiijada shaqada ugu fiican ee suurtogalka ah. Horumarinta xirfadaha hogaamintu waxay kaa caawin doontaa in aad ku guulaysato maamulka xafiiska.
Maamule xafiis ahaan waa inaad samaysaa wada shaqayn kooxeed oo aad ka caawiso kuwa kale inay si wanaagsan ula xidhiidhaan midba midka kale ee ururka si loo abuuro dhaqan shirkadeed oo caafimaad qaba. Waa inaad u dejisaa halbeegyada qof kasta oo ka tirsan xafiiska si uu shaqada ugu dejiyo jidka saxda ah.
9. Xirfadaha dad-dhex-gal-ka
Iyada oo qayb ka ah shaqadaada, waa inaad lahaataa xirfado bulsho oo ku wajahan shaqaalahaaga ku lug leh shirkadda ama dadka dibada idiinka imanay. Waa inaad isticmaashaa hab-dhaqan togan oo keeni doona wada shaqayn weyn.
Ugu dambayn, maamulidda xafiisku waa hawl adag; se adeegsiga tabahani waxa ay kuu fududayn doonaan in aad si fudud uga gudubto caqabadaas, ahaatana maamule guulasyta.
--------------------------------------------------
Comments
Post a Comment