10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga!
![Somalijobs Inc](/src/blog-images/8809830a2ac29fa0368cd098c4c3cc19/6151988498180414.jpg)
10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga!
10 Mareegood (Websites) oo aad ka horumarin karto luqaddaada ingiriisiga!
Luqadda qalaad ee Ingiriisidu waa mid kamida caqabaddaha ugu waaweyn ee hortaagan dhallinyarada shaqo raadiska ah iyo kuwa suuqa shaqada ku jira labadaba. Annagoo ka duuleyna hagidda dhallinyarada shaqo raadiska ah halkan waxa aan idinkula wadaagi doonnaa mareegaha (Websites) ugu fiican xaga barashada luqadda ingiriisiga oo ku dhisan hab isbarineed.
Nolosha dhinac walba oo aad eegto shaygii ama arrintii wakhti iyo dedaal badan lagu bixiyo ayaa midho dhal fiican yeesha. Xirfaddaha muhiimadda la siiyo luqaddu ayey ku jirtaa marka laga hadlayo suuqa shaqada.
Luqaddu ma aha wax adag barashadeedu. Laakiin waxa ay u baahantahay hagid habboon si aad u horumariso. Dadbadan baa ku guuldaraysta in ay sifiican u bartaan. Maanta waxa aynu ka hadli donna 10 mareeg ee ugu fiican xagga barashada luqadda sida ugu fiican uguna degdega badan.
Waxa ugu muhiimsani waa in aad casharada qaadato, hagidda iyo habraacyada ardayda baranaysa ay ugu talo galeenna aad fuliso. Xirfaddaha luqaddu waa 4 (Akhriska, qoraalka, ku hadalka iyo dhagaysiga.) Isku day in aad horumariso 4 taas. Mareegahaa wax aka mid ah:
1. BBC Learning English
Mareegta: https://www.bbc.co.uk/learningenglish
Waxa aad ka helaysaa heerarka kala duwan ee barashada luqadda. Waxa aad ku arki doontaa barnaamijyadan oo aad qaarkood raadiyaha ka maqashay:
- The grammar Gameshow
- The Experiment
- News review
- Go The Distance
- English You Need
- Towards Advanced
- English for upper-intermediate
- English for Intermediate
- English for lower-intermediate
- English My Way
- Shakespeares Speaks and
- English in a Minute
Sidoo kale qaybo hoosaadyo:
- English at University
- English at Work
- English for news Report
- The English We Speak
- LingoHack
- 6 Minute English
- Pronunciation
- Drama and
- Words in the News
Isqiimee, Kaddib dooro heerka kaabista aad u baahantahay.
2. British Council English Learning
Mareegta: https://learnenglish.britishcouncil.org/online-courses
Qaybaha aad ka heli karto barnaamijyadooda waxa ka mid ah:
- Courses
- Skills
- Grammar
- Vocabulary
- Business English
- General English
- IELTS
- MOOCs (Massive Open Online Courses) etc.
3. VOA English Learning
Dhagaysiga: https://learningenglish.voanews.com/z/1689
Muuqaalka: https://learningenglish.voanews.com/a/lets-learn-english-lesson-one/3111026.html
Waa mid kamid ah warbaahinta caalamiga ah ee laga leeyahay maraykan. Qaybtooda luqaddu waxay leedahay heerarkii ay hore ugasoo hadalnay iyagoo kusoo gudbiya heer maqal (dhagaysiga) idaacadda iyo heer muuqaal qaybta talafiishanka.
4. TalkEnglish
Mareegta: TalkEnglish.com
Waa mareegaha ugu fiican ee barashada luqadda oo aad si fudud u hormarin karto. Tabarrada ay bixiyaan wax aka mid ah:
- English Speaking Basics
- English Listening Lessons
- Regular English Lessons
- Basics of English Grammar
- Business English Lessons
- Idioms and Phrases
5. Tofluency
Mareegta: https://www.tofluency.com
Waa mareeg kaa caawinaysa horumarinta luqaddaaada si fudud oo degdeg ah. Waxa aad hormar ka sameyn doontaa ku hadalka iyo dhagaysiga haddii aad si fiican u raacdo hagiddooda.
6. FluentU
Mareegta: https://www.fluentu.com/
7. Cambridge Assessment English
Mareegta: https://www.cambridgeenglish.org/
8. EnglishClass101
Mareegta: Englishclass101.com
9. English Finders
Mareegta: https://englishfinders.com/
10. Duolingo
Mareegta: https://www.duolingo.com/
Waa mareeg kaa dhisi doonta ereyada iyo naxwaha luqadda ingiriisigaaga. Isla markaan aad ka heli karto xirfaddo dheeri ah.
Gebogebadii qaar badan oo Innaga mid ahi ma helno hagid fiican oo ay si fuduud oo degdeg ah aynu ku horumarin karno luqaddeena oo muhiim ka ah suuqa shaqada. Waxa aan rajeynayaa 10 kaas mareegood in ay indho fur iyo caawinba idiin noqon doonaan.
Comments
Post a Comment