Kaabeyaal: Codsiga Shaqada

Somalijobs Inc

Kaabeyaal: Codsiga Shaqada

Kaabeyaal: Codsiga shaqada

Hilinka ay marto shaqo codsashadu waa mid u baahan ka fiirsi iyo diirad saaris xoogan. Maadaama codsigaagaasi yahay mid aad ka maqantahay oo aanad isdifaaci Karin oo kaliya waxa go’aaminaya in aad guulaysetaa yahay waxa aad ku qorto codsigaaga shaqada iyo sida aad u qorayso.

 

Halkan waxa aan idinkula wadaagaynaa qodobo koob kooban oo dheelitiri doona shaqo codsigaaga isla markaana ah qodobo ka dhiman dhallinyaro badan marka ay shaqada codsanayaan. Waxa ka mid ah;

 

1.      CV

·         Ha u qornaado qaab aqooni ka muuqato

·         Ha ku qorin email naaneysi ku jirto waa laga fiicanyahay.

·         Ha koobnaado (Loo shaqeeyuhu wakhti uma hayo CV dheer)

·         Ha ku fadhiyo shuruuddaha, waajibaadka iyo doorarka laga rabo qofka shaqadan codsanaya.

·         Ha ku darin wax aan khusayn shaqada aad codsanayo sida khibraddaha shaqo, xirfaddaha iyo tababarrada aad qaadatay ee aan la xidhiidhin shaqada aad xareynayso.

·         Hubi waxa lagu yidhi ku dar iyo waxa lagu yidhaa haku darin.

·         Haddii tixraac lagaa codsado haka tegin haddii kale shuruudihii lagu yidhi raac baad ka kala tegaysaa. Loo shaqeeyuhuna wakhti uma hayo uu kugusoo waydiiyo shuruud marka horeba laguu sheegay in lagaa rabo. Tusaale ahaan tixraaca.

·         Ku dar tixraac dhameystiran sida magaca qofka, tilifoonkiisa, email kiisa, booska shaqo ee uu hayo iyo halka uu ka shaqeeyo.

2.      Email dirista

·         Ha dirin iimeyl madhan oo kaliya la socdo lifaaq (attachement)

·         Ku qor cinwaanka iimeylka (Subject Line) cinwaanka booska aad codsanayso e.g Accountant – Jigjiga

·         Guddaha iimeylka ku qor fariin gaaban oo qaabkan hoose oo kale ah;

Dear Hiring Manager,

Kindly find the attached my resume for applying Accountant position based on Jigjiga, Somali Regional State of Ethiopia In your organization.

 

I look forward to hearing from you.

 

Sincerely,

Mohamed Test

Phone: +2526--------

Email: mohamestest@------

3.      Waraysiga shaqo

·         Markaad hesho fariinta ah in aad kusoo baxday wajiga xiga ee waraysiga shaqo ku bilow baadhis si aad waxbadan uga ogaato shirkadda/hay’adda aad shaqadeeda u tartamayso.

·         Sifiican u diyaar garow muuqaal ahaan, waydiin iyo warcelin ahaan adiga oo isa sii tijaabinaya.

·         Muuji kalsooni

·         Isdeji marar badan waad kululaanaysaa, dhidideysaa isla markaana khalkhalaysaa ama waad ka nixi kartaa waydiimaha ka imanaya dhinaca looshaqeeyaha.

·         Uga jawaab si aqooni ku dheehantahay.

·         Haddii su’aashu kugu adkaato codso daqiiqad aad kaga fikiri karto.

·         Haddii aad su’aasha fahmi waydo codso in laguugu celiyo waydiinta.

·         Diyaarso waydiimo aad su’aali karto marka wakhtiga lagu siiyo ee lagu yidhaa maxaad su’aal noo haysaa.

·         U mahadceli marka waraysiga shaqo dhammaado.

·         Haddii muddo laguusoo jawaabi waayo u dir fariin email ah adiga oo si quruxbadan wax u waydiinaya.

·         Haddii aanad guuleysan bogaadin waxa aad heshay khibrad iyo cashar weyn oo aanay dad badani wali gaadhin. Waxa aad baratay khaladaadkaaga iyo waxbadan oo aad ku liidato isla markaana aad horumarin karto inta aanad gelin waraysi shaqo oo kale.

 

 

 

Ugu danbayn wax ka barato shaqo codsashada. Isku daygu waa furaha guusha waxa aad talaabo hore ugu qaaday dhinaca guusha. Dedaal oo kasii badi iskuna day in aad waxbadan ka korodhsato habkaa shaqo codsashada adiga oo ka heli kara khibrad iyo waayo-aragnimo bulshada aad ku xidhantahay ee suuqa shaqada kaagasoo horeeyey.


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..