Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad

Somalijobs Inc

Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad

Halkan waxa aynu kaga jawaabi doonnaa waydiimo dhowr ah oo ay inasoo waydiiyeen xubno kamida dhallinyarada shaqo raadiska ah ee ku xidhan Somalijobs.  Mid mid ayeynu isku dul taagi doonnaa in sha Allah.

 

Waydiin 1aad: Habkeen ugu tartanaa fursadaha shaqo ee lagu baahiyo Somalijobs?

Jawaab celin:  Marka laga hadlayo u tartamidda fursaddaha shaqo amma qandaraas ee cusub waxa aad ugu tartami kartaa hababkan hoose

1.     Marka hore booqo Www.somalijobs.com

2.      Dooro qaybta Shaqada (Jobs)

3.     Baadho fursaddaha aad daneynayso iyo goobta laga shaqeynayo (Location) ka.

4.     Akhri dhammaan warbixinta shaqada la baahiyey si aad u ogaato waxa lagaa rabo ee leh (Education, Experience, Skills, References, Cover Letter & Certifications).

5.     Diyaarso CV buuxinaya shuruuddahaa aad soo ogaatay ee lagaa rabo (Ku dar waxa lagaa codsado kana tag waxa lagaa reebo ee aan muhiimka ahayn)

6.     Eeg habka codsashada shaqada amma halka lagu hagaajinayo oo ah 3 hab midkood (Email/Office/Link aad sii dhexgalayso si aad u codsato shaqada)

7.     Haddii lagu yidhaa linkgan APPLY NOW kudhufo oo sii dhexgal si aad shaqadan u codsato waxa aad u baahantahay:

·      In aad sameysato Username & Password

·      OTP ama Confirmation code ayuu kuugu diraya Email kaaga

·      Iska sax password ka oo ku dhexdar tirooyin, xarfo iyo calaamado

·      Kaddib kusoo noqo APPLY NOW markaa si fudud ayaad u codsan kartaa.

·      Haddii uu kuu shaqeyn waayo dhowr jeer isku dayr in sha Allah.

Habkeen Iskugu Xidhaa Shaqada La Baahiyey Iyo Cvgayga? Halkan kasii akhri: https://somalijobs.com/blogs/376239099973055/habkeen-iskugu-xidhaa-shaqada-la-baahiyey-iyo-cvgayga?

 

Waydiin 2aad: Fursaddaha shaqo ee lagusoo bandhigo Somalijobs ma dhabbaa?

Jawaab celin: Haa. Shirkad, hay’ad, xafiis iyo ganacsi kaleba ma baahiyeen haddii aanu shaqaale u baahnayn. Waxa dhallinyaradu intabadan ka fikirtaa booskan shaqo ee la baahiyey cid baa loo hayaa haddaba arrintaas buunbuunin badan ayaa ku jirta oo loo shaqeeyuhu haddii uu cid hore haysto muxuu usoo bandhigayaa markaa? Waa waydiin muhiim ah.

 

Malahayga dadka la leeyahay waa loo haya ma waxa looga jeeda dadka goobta shaqada ka shaqeeyan ee iyaguna danaynaya in ay dalacaan (Promotion) oo tartan u diyaar ah? Waa suuregal. Arrintaas danbe ayey wax ka jiraan

 

Tusaal1, Muna, Waxa ay carbis shaqo (Internship) ka heshay hay’adaha UN oo ay ku tababaratay muddo 3 bilood ah, Hay’adda ay ku shaqo baratay waxa ka banaanaday shaqo kaaliye (Assistant) ah oo lagu baahiyey www.somalijobs.com

Muna waxa ay nafteeda ku qancisay in ay khibrad ay ku dulaci karto heshay muddadii 3 da bilood ahayd oo ay u tartami karto booska cusub ee banaanaday. Way tartan waxa aanay kusoo wada baxeen 4 qof, Muna iyo 3 qof oo aan hore uga shaqeynayn xafiiskan UN ta balse hore ugasoo shaqeeyey hay’addo caalamiya. Marka loo eego shuruuddihii aqoonta, xirfaddaha iyo khibraddaha looga baahanyahay kaaliye cidda buuxin karta waxa kusoo baxday Muna.

 

Halkaa marka ay marayso Muna waxa ay u tartan si daah furan. Shuruuddihii boos ka kaaliye ayey buuxisay oo lama odhan karo waa boos Muna oo goobta kasii shaqeynaysay loosii hayey. Waa la ogaa in ay Muna carbis shaqo ku jirto balse sababta loo baahinayey waxa ay ahayd in la heli karo qof kaaliye ah oo ka wanaagsan Muna dhinaca khibradda, aqoonta, xirfaddaha iyo waayo-aragnimaddaba. Balse Muna ayaa ku guuleysatay tartankaa isla markaana buuxisay shuruudihii looga baahnaa kaaliye.

 


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..