Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa?

Somalijobs Inc

Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa?

Waydiin iyo Warcelin:  Ma saxbaa inaan shaqo walba codsadaa?

Inkasta oo shaqo abuurku yar yahay goobaha waxbarashaduna aanay soo saarid dhallinyaro u diyaarsan suuqa shaqada ama haddii aynu si kale u dhigno dhallinyaro aan lagusoo qalabayn xirfaddihii suuqa shaqada looga baahnaa waxay niyadjab ku ridda dhallinyarada shaqo raadiska ah.

Waxa marxaladda ka jirta suuqa shaqadu u baahantahay in qofka dhallinyarada ahi dib haddana isu maalgeliyo oo uu barto xirfaddaha suuqa shaqada looga baahanyahay oo uu qaato tababaro gaagaaban oo uu ka helayo xeeladdaha, xirfaddaha iyo baarnijyo uu ku shaqo geli karo. Waana sababta ay muhiimka u tahay in qofku barto ismaalgelinta qofeed (Self Investment) ku aadan dhinnaca tuulka shaqada looga baahanyahay.

Werwerkaasi wuxuu qofka dhallinyarada ah ku khasbayaa in uu u  tartama shaqo kasta iyo fursad kasta oo lagu baahiyo Www.somalijobs.com. Marka uu muddo wado ee uu xareeyo uun waxa ku dhacaya aaminaad darro ah in aan shaqooyinka halkan lagu baahiyo si caddaalad ah loo qaadan. Hadda maskaxda ku hay oo hay’ad ama shirkaddina xayeysiin mayso shaqaale aanay u baahnayn oo sumcad xumo ku keenaysa.

Haddii aynu waydiintaa ka jawaabno. Ma habboona in aad shaqo walba codsataa.

Tusaale, ‘’ Waxa aanu shirkad ka caawinnay shaqaale kala xulista 500+ CV, arimmaha cajiibka ahee kugusoo noqnoqonaya waxa aad arkaysaa iyadoo booska loo tartamayaa yahay Xisaabaad in dhallinyaro badan oo aan xisaabaad barani shaqadan iska soo codsanayaan. CVga xisaabiye marka la eegayo looshaqeeyuhu waxa uu maskaxda ku haynayaa arrimahan, ‘’ In warqad codsiyeedkan shaqo khibraddaha shaqo, waxbarashada, xirfaddaha, tababaradda iyo Waxyaalaha qofku xiiseeyo ee uu halkan kuxusayaa in ay yihiin wax xidhiidh la leh xisaabaadka.’’ Kama fikirayo qof Maamul (Management), Caafimaad (Health) Arrimaha Bulshada (Social Work), Siyaasadda iyo xidhiidhada caalmiga ah qof bartaybaa booskan soo codsani.


Codso kaliya shaqooyinka aad aqoonteeda, khibraddeeda, xirfaddeeda iyo xiiseyaasheedaba aad leedahay. Haddii aad xisaabaad barato baro barnaamijyada la xidhiidha xisaabaadka uun. Waxba ugama baahnid  Maamul, Monitoring & Evaluation, WASH, Leadership, Politics & International Relations waxba ugama baahnid laakiin waxa aad wax uga baahantahay xirfaddahaas looga baahanyahay suuqa shaqada.

Shaqo kasta oo aanad aqoonteeda iyo khibraddeeda lahayd haddii aad xareyso adiguna cidlo ayaad ka daaleysaa loo shaqeeyahana wakhtibaa kaga lumaya eegista CV yo badan oo aan aqoon iyo khibrad toona u lahayn shaqadan ay soo codsanayaan.  Ku dedaal ku koobidda shaqada aad xareynayso waxa lagaaga baahanyahay CVgaaga. Ogsoonow CVgaagu ma aha wee lama haan wax walba lagu guro oo aqoontaada, khibraddaada iyo xirfaddahaaga ah. Ku qor oo ku koob kaliya waxa ku qoran xayeysiiska shaqada shuruudaha lagaa rabo ee ku qoran.

Qodobo aan lagaa codsan haddii aad ku darto waxa ay yaraynaysaa heerka boqollayda aad ku guuleysan karto. Ku dedaal ku qorista CVgaaga kaliya waxa lagaa codsaday.

 


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..