Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo.

Somalijobs Inc

Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo.

Laga soo bilaabo shaqadii la baahiyey ee aad ku aragtay Www.somalijobs.com. Marka aad akhriday e aad garwaaqsatay in aad buuxin karto shuruudaha la baahiyey waxa aad diyaarsatay warqad codsiyeed shaqo wada socda CV Iyo Cover Letter.  Waxaad si haleel la’aanta intaan la gaadhi wakhtiga uu ku eegyahay xayeysiisku codsatay adiga oo raacaya habka soo gudbinta waraaqahaa looshaqeeyuhu kaa codsaday.

Haddii aad kusoo baxdo wejigaa hore ee shaqada waxa xidha imtixaan iyo waraysi shaqo. Qodobka aynu isdultaagaynaa waa waydiimaha guud ee lagu waydiiyo shaqo raadiyaha waraysigu inta uu socdo. Wakhtiga waraysiga shaqo waxa go’aamiya heerka khibradda ee booska aad u tartamayso taas oo inta badan noqota wakhti ku siman 20 – 30 daqiiqo oo u qorshaysan waydiimaha ka minaya looshaqeeyaha.

Waydiimuhu halkee ayey ka imanayaan? Waydiimaha lagu waydiinayaa waxa ay ka imanayaan warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV) qaybta taariikhahaaga shaqo, waxbarasho iyo xirfaddaha aad ku taxday. Waydiimahaa waxa ka mid ah;

  1. 1. Naftaada wax iiga/nooga sheegTell me about yourself? 

Waydiintan marka aad ka jawaabayso sheekadaada ku tol baahida looshaqeeya shirkadda ama hay’adda adiga oo maskaxda ku haynaya baahintii ay sameeyeen. Isla markaana ku dar qodob, laba ama saddex shay oo aad ku wanaagsantahay (Strengths) iyo wax aad ku kordhin doonto shirkadda, hay’adda ama ganacsiga aad u tartamayso shaqada banaan. Waydiintan waxa ka reeban in aad ku darto arrimahaaga gaarka sida warbixinnaha qoyskaaga, reerka, qabiilka, siyaasadda iwm.

2.  Maxaad ku wanaagsantahay? Maxaadse ku liidataa? (Strengths & Weakness)

Waydiintan marka aad ka jawaabayso xus wax aad ku wanaagsantahay oo xidhiidh la leh shaqadan aad u tartamayso adiga oo ku tolaya tusaaleyaal iyo qaabka aad u horumarisay. Waydiinta ku lammaan ee ah waxa aad ku liidato sheeg wax aad horumarin karto aad isbeddel ku sameyn karto isla markaana noqon kara wax aad ku wanaagsantahay. 

Tusaale1,

Waxa aan ku liitaa wax akhriska. 5 Sanno ka hor markii aan qalinjebiyey ayaa iigu danbaysay buug iyo maqaalo aan akhriyo. Maalin waxa maankayga cariyey muuqaal aan daawaday oo kawaramaya wax akhriska kaas oo igu dhiirigeliyey in aad abuurto caado wax akhris. Waxa aan kasoo bilaabaay todobaadkii koowaad in aan maalin kasta hal (1) bog akhriyo buug aan soo iibsaday. Maantana todobaad kasta waxa aan dhameeyaa buug. 

3.  Mushahar intee leeg ayaad naga rajeynaysaa? (Salary)

Waydiintan marka aad ka jawaabayso waxa aad kahor waraysiga shaqo sii wareysan kartaa akhyaartaada cid booskan hore ugu shaqeysay iyo mushaharaadkooda. Iyadoo khibraddaadu yartahay ama koobantahay ha isku qaadin tiro badan.

Tusaale2,

Shaqadaydii iigu horeysay waxa aan ku shaqeyn jiray mushahar dhan $40.00 muddo laga joogo 6 sanno. Hadda oo aan ahey maamule mashruuc ama shirkadd mushaharkaygu $900. Muddooyinkii aan shaqeynayey mushaharkaygu waxa uu ukala dhexeeyey xaddigaa. Diyaarna waan u ahay la eegista mushaharka aad ugu talo gasheen. Waa jawaabcelin xeeladaysan oo aad kaga maarmi karto tiro sheegis.

Taasi waxay ku siinaysaa la eegista mushaharka looshaqeeyuhu soo bandhigo taas oo aad ku aqbalo karto kuna diidi karto ama aad kawada xaajoon kartaan.

 


Comments

Popular posts from this blog

IS GOAT FARMING IN KENYA PROFITABLE?

IS SHEEP FARMING PROFITABLE IN KENYA.

4 tips to save money for farming..