Qorshe ma sameysatay sannadka cusub? Waa kuwan shan qodob oo kuu sahli kara.
Qorshe ma sameysatay sannadka cusub? Waa kuwan shan qodob oo kuu sahli kara. By Mohamud Ahmed Jama. Qorsheyaal badan waa lagu guul darreystaa sanad kasta, laakiin sannadkan waxaa laga yaabaa inaysan kuwaaga fashilmin Waxaa billaabanaya sanadka 2024-ka! Waana sanad la imaanaya amuruurihiisa cusub. Qaar badan oo naga mid ah waxay sanad kasta sameystaan qorsheyaal ay doonayaan inay hirgaliyaan inta uu sanadkaas socdo, "ama wax cusub oo ay billaabayaan", qof kasta oo naga mid ahna wuxuu asteystaa arrimo uu ku hormarinayo noloshiisa. Ma laga yaabaa inay qorsheyaashaas ka mid yihiin inuu qofku caafimaadkiisa toosiyo ama inuu xoogaa lacag ah keydsado? Ama xitaa suurtagal ma tahay inaad go'aan ku gaartay joojinta balwad aad lahayd ama dabeecad aad dooneyso inaad iska dhaafto? Qoraalka sawirka, Qorsheyaasha aan la hubin inta badan way dhicisoobaan Wax walba oo uu qorshahaaga sanadka cusub yahay, waxaa jira hal arrin oo aadan u hirgalin karin la'aanteed - waana dhiirrigalin. La...