Posts

Showing posts from June, 2024

Kaabeyaal: Codsiga Shaqada

Image
Kaabeyaal: Codsiga Shaqada Kaabeyaal: Codsiga shaqada Hilinka ay marto shaqo codsashadu waa mid u baahan ka fiirsi iyo diirad saaris xoogan. Maadaama codsigaagaasi yahay mid aad ka maqantahay oo aanad isdifaaci Karin oo kaliya waxa go’aaminaya in aad guulaysetaa yahay waxa aad ku qorto codsigaaga shaqada iyo sida aad u qorayso.   Halkan waxa aan idinkula wadaagaynaa qodobo koob kooban oo dheelitiri doona shaqo codsigaaga isla markaana ah qodobo ka dhiman dhallinyaro badan marka ay shaqada codsanayaan. Waxa ka mid ah;   1.      CV ·         Ha u qornaado qaab aqooni ka muuqato ·         Ha ku qorin email naaneysi ku jirto waa laga fiicanyahay. ·         Ha koobnaado (Loo shaqeeyuhu wakhti uma hayo CV dheer) ·         Ha ku fadhiyo shuruuddaha, waajibaadka iyo doorarka laga rabo qofka shaqadan codsanaya. ·         Ha ku darin wax aan khusayn shaqada aad codsanayo sida khibraddaha shaqo, xirfaddaha iyo tababarrada aad qaadatay ee aan la xidhiidhin shaqada aad xareynayso. ·         Hubi wa

10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga!

Image
10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga! 10 Mareegood (Websites) oo aad ka horumarin karto luqaddaada ingiriisiga! Luqadda qalaad ee Ingiriisidu waa mid kamida caqabaddaha ugu waaweyn ee hortaagan dhallinyarada shaqo raadiska ah iyo kuwa suuqa shaqada ku jira labadaba. Annagoo ka duuleyna hagidda dhallinyarada shaqo raadiska ah halkan waxa aan idinkula wadaagi doonnaa mareegaha (Websites) ugu fiican xaga barashada luqadda ingiriisiga oo ku dhisan hab isbarineed.   Nolosha dhinac walba oo aad eegto  shaygii ama arrintii wakhti iyo dedaal badan lagu bixiyo ayaa midho dhal fiican yeesha. Xirfaddaha muhiimadda la siiyo luqaddu ayey ku jirtaa marka laga hadlayo suuqa shaqada.   Luqaddu ma aha wax adag barashadeedu. Laakiin waxa ay u baahantahay hagid habboon si aad u horumariso. Dadbadan baa ku guuldaraysta in ay sifiican u bartaan. Maanta waxa aynu ka hadli donna 10 mareeg ee ugu fiican  xagga barashada luqadda sida ugu fiican uguna degdega badan.   Waxa ug

Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad

Image
Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad Halkan waxa aynu kaga jawaabi doonnaa waydiimo dhowr ah oo ay inasoo waydiiyeen xubno kamida dhallinyarada shaqo raadiska ah ee ku xidhan Somalijobs.  Mid mid ayeynu isku dul taagi doonnaa in sha Allah.   Waydiin 1aad: Habkeen ugu tartanaa fursadaha shaqo ee lagu baahiyo Somalijobs? Jawaab celin:   Marka laga hadlayo u tartamidda fursaddaha shaqo amma qandaraas ee cusub waxa aad ugu tartami kartaa hababkan hoose 1.      Marka hore booqo Www.somalijobs.com 2.       Dooro qaybta Shaqada (Jobs) 3.      Baadho fursaddaha aad daneynayso iyo goobta laga shaqeynayo (Location) ka. 4.      Akhri dhammaan warbixinta shaqada la baahiyey si aad u ogaato waxa lagaa rabo ee leh (Education, Experience, Skills, References, Cover Letter & Certifications). 5.      Diyaarso CV buuxinaya shuruuddahaa aad soo ogaatay ee lagaa rabo (Ku dar waxa lagaa codsado kana tag waxa lagaa reebo ee aan muhiimka ahayn) 6.      Eeg habka codsashada shaqada amma

10 Su’aalood Oo La Waydiiyo Kalkaaliyaha/sada Caafimaadka Waqtiga Waraysiga Shaqada Iyo Jawaabahooga

Image
10 Su’aalood Oo La Waydiiyo Kalkaaliyaha/sada Caafimaadka Waqtiga Waraysiga Shaqada Iyo Jawaabahooga Inta lagu guda jiro wareysiga kalkaaliyaha caafimaadka. Loo shaqeeyuhu wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo ku siinaya fursad aad ku muujiso awooddahaaga, aqoontaada, xirfaddahaaga dad ladhaqanka iyo daryeelka aad u huri karto bukaanka. Waxaa ugu fiican in la diyaariyo jawaabaha muujinaya xirfaddahaaga, tababarkaaga iyo waayo-aragnimadaada. Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa su'aalaha laga yaabo inaad la kulanto inta lagu guda jiro wareysiga shaqo ee kalkaaliyaha. Farsamada STAR waxay kaa caawin kartaa inaad maskaxda ku hayso qaabka aad u jawaabayso inta lagu jiro wareysiyada xirfaddeed. Tixgeli saameynta jawaabaha si aad uga jawaabto su'aalaha adoo adeegsanaya qaabkan: • Xaaladda: Sharax asalka tusaalahaaga. • Hawl: Sharax waxa doorkaagu ahaa ee xaaladda ka jiray. • Tallaabo: Sharax tallaabada aad qaaday si aad arrinta wax uga qabato. • Natiijo: Sharax waxaad ka baratay xaaladda iyo

Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa?

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa? Waydiin iyo Warcelin:  Ma saxbaa inaan shaqo walba codsadaa? Inkasta oo shaqo abuurku yar yahay goobaha waxbarashaduna aanay soo saarid dhallinyaro u diyaarsan suuqa shaqada ama haddii aynu si kale u dhigno dhallinyaro aan lagusoo qalabayn xirfaddihii suuqa shaqada looga baahnaa waxay niyadjab ku ridda dhallinyarada shaqo raadiska ah. Waxa marxaladda ka jirta suuqa shaqadu u baahantahay in qofka dhallinyarada ahi dib haddana isu maalgeliyo oo uu barto xirfaddaha suuqa shaqada looga baahanyahay oo uu qaato tababaro gaagaaban oo uu ka helayo xeeladdaha, xirfaddaha iyo baarnijyo uu ku shaqo geli karo. Waana sababta ay muhiimka u tahay in qofku barto ismaalgelinta qofeed (Self Investment) ku aadan dhinnaca tuulka shaqada looga baahanyahay. Werwerkaasi wuxuu qofka dhallinyarada ah ku khasbayaa in uu u  tartama shaqo kasta iyo fursad kasta oo lagu baahiyo  Www.somalijobs.com . Marka uu muddo wado ee uu xareeyo uun waxa ku dhacaya aa

Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo.

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo. Laga soo bilaabo shaqadii la baahiyey ee aad ku aragtay  Www.somalijobs.com . Marka aad akhriday e aad garwaaqsatay in aad buuxin karto shuruudaha la baahiyey waxa aad diyaarsatay warqad codsiyeed shaqo wada socda CV Iyo Cover Letter.  Waxaad si haleel la’aanta intaan la gaadhi wakhtiga uu ku eegyahay xayeysiisku codsatay adiga oo raacaya habka soo gudbinta waraaqahaa looshaqeeyuhu kaa codsaday. Haddii aad kusoo baxdo wejigaa hore ee shaqada waxa xidha imtixaan iyo waraysi shaqo. Qodobka aynu isdultaagaynaa waa waydiimaha guud ee lagu waydiiyo shaqo raadiyaha waraysigu inta uu socdo. Wakhtiga waraysiga shaqo waxa go’aamiya heerka khibradda ee booska aad u tartamayso taas oo inta badan noqota wakhti ku siman 20 – 30 daqiiqo oo u qorshaysan waydiimaha ka minaya looshaqeeyaha. Waydiimuhu halkee ayey ka imanayaan? Waydiimaha lagu waydiinayaa waxa ay ka imanayaan warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV) qaybta taariikhahaaga shaqo, waxbarash