Posts

Showing posts from April, 2024

11 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Diyaarin Karto Shahaadooyin Lacag La’aan Ah (inta Badan La Xidhiidha Technology-Yada)

Image
11 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Diyaarin Karto Shahaadooyin Lacag La’aan Ah (inta Badan La Xidhiidha Technology-Yada) 11 Mareegood (Websites) oo aad ka diyaarin karto shahaadooyin lacag la’aan ah (Inta badan la xidhiidha Technology-yada) 1.  http://kaggle.com SQL, ML, DL, Data Science   2.  http://freecodecamp.org Front-end, Back-end, Python, ML   3.  http://cognitiveclass.ai Blockchain, Data Science, AI, Cloud, Serverless,Docker & Kubernetes   4.  http://matlabacademy.mathworks.com AI/ML, DL   5.  http://learn.mongodb.com MongoDB   6.  http://learn.microsoft.com   * .NET, Azure, GitHub, SQL Server   7.  simplilearn. com/skillup-free-online-courses AI/ML, ChatGPT, Data Science, DevOps, Cloud, PM   8.  http://mygreatlearning.com/academy/learn-for-free/courses Data Science, Cloud Computing, DevOps, PM   9.  http://trailhead.salesforce.com Salesforce, Blockchain   10.  http://spoken-tutorial.org C, C++, Java, Python, JavaScript   11.  http://alison.com 4000+ Free Courses Reference:

Sidee Ganacsiga Loo Kobciyaa?(How to Grow a Business?)

Image
Sidee Ganacsiga Loo Kobciyaa? (How to Grow a Business?) Si aad u kordhiso ganacsigaaga ugana dhigto mid guulaystay, waxaa muhiim ah in aad faham buuxa ka haysato: suuqaaga, macaamiishaada iyo tartamayaashaada. Qodobadan soo socdaa waxay kor u qaadi doonaan ganacsigaaga:  1. Qeexid Toos ah  Mar kasta isku day in aad qeexdo kooxda dadka ah ee iibsada maxsuulkaaga (Product) ama sidoo kale qaata adeegaaga (Service), tanina waxay kaa caawinaysaa in aad diiradda saarto sidii aad u heli lahayd macaamiil gaar ah.   2. Qorshaha Suuq-geynta   Horumarinta qorshaha suuq-geynta kaas oo ku gaadhsiinaya macaamiishaadu, waaa arrin aad u muhiima oo aanu ganacsigu ka maarmi karin. Suuq geynahaasna waxaa ka mid noqon karaya:  A. Baraha bulshada oo aad ku baahiso ganacsigaaga   B. Farriimo joogto ah oo aad u dirto macaamiishaada  C. Xayaysiisyo tayo sare le  3. Tayee Ganacsigaaga  Markasta ku dadaal in aad si joogto ah u horumariso ganacsigaaga, si aad uga hor tagto caqabadaha kaa hor imanaya; una kulmiso

Tabaha Shaqo Raadinta

Image
Tabaha Shaqo Raadinta Shaqo raadintu waa hawl adag una baahan, qorshayn iyo qaabayn. Sidoo kalena marar badan qaadan karta waqti aad u dheer; una baahan in aad u marto wadadeeda ugu saxsan. Hadaba weydiinta mudan in aynu warcelin u helno ayaa ah: maxay muhiim u tahay barashada tabaha shaqo raadintu?   Waxa jira waxyaabo dhawr ah oo ay kaa caawinayso in aad taqaano tabaha shaqo raadintu, iyado oo aad fahamtaana waxay kugu guulaynaysaa in aad ogaato meelaha aad ku wanaagsan tahay, xirfadaha aad leedahay iyo waxyaabaha aad xiisayso. Sidoo kale waxa ay kaa caawin doontaa in aad si yar oo fudud ku qeexdo shaqada aad doonayso, ahaatana qof xidhiidhadiisu aad u adag yihiin. Qodobadan hoose waxay kaa caawin doonaan in aad fahamto "tabaha shaqo raadinta"  Qeex Meelaha aad ku Wanaagsan Tahay  Isku day in aad qaadato waqti aad ku qeexdo awoodahaaga, waxyaabaha aad xiisaynayso iyo ashyaada aad u baahan tahay in aad wax badan ka ogaaato.   Xog-ogaal  Mar kasta baadhis ku samee, Haayadaha,

Seeska Tiknoolajiyadda (technology)

Image
Seeska Tiknoolajiyadda (technology) Dhamaanteen waynu la soconaa maanta , koritaanka ku socda tiknoolajiyada (technology). Waxaa jira qaybo kamida tiknoolajiga oo ay tahay in qof kastaa in kamida garan karo; tahayna in qofku isku qalabeeyo , waxaana kamida :    Xirfadaha fudud ee computer ka    Waxa waajiba in qof kastaa la macaamili karo computer- kiisa , habaysan karayo meelaha ay xogtiisu ku jirto (files), sidoo kalena fahmi karayo cilladaha fudud ee ku yimaada computer-ka.    Adeegsiga internet-ka iyo website-ka    Qof kastaa waa in uu fahamsan yahay sida loo isticmaalo websites-ka, xogahana looga dhex raadiyo , sidoo kalena loo doorto xogta ugu saxsan . Marka aad taqaan sida xogaha looga raadiyo internet-ka waxa kuu fudud in aad hesho xog aad ku kalsoonaan karayaso .   Wacyiga ammaanka (cyber security)   Qofku waa in uu wacyi buuxa ka haysto khataraha kaga iman kara internet-ka. Ha

Xirfadaha Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada.(Skills Needed in the Job Market.)

Image
By Mohamud Ahmed Jama. Hordhaca Buuga: Xirfadaha Looga Baahan Yahay Suuqa Shaqada.  (Skills Needed in the Job Market.) 1. Isgaadhsiin:  (Communication:) 2. La qabsiga:  (Adaptation:) 3. Xallinta Dhibaatada:  (Problem Solving:) 4. Fikirka Muhiimka ah:  (Main Idea:) 5. Wadashaqeyn kooxeed iyo iskaashi:   (Teamwork and cooperation:) 6. Maareynta Waqtiga: (Time Management:) 7. Dareenka dadka:   (People's feelings:) 8.   Hal-abuurka:  (Creativity:) Suuqa shaqada ee maanta, sidoo kalena sida xawliga ah u koraya, haysashada xirfado adag ayaa muhiim u ah guusha shaqada. loo-shaqeeyayaashu waxay si sii kordheysa u aqoonsanayaan qiimaha dadka iyo awoodaha garashada ee ka baxsan khibradda farsamada. Maqaalkan, waxaynu ku baadhi doonaa xirfadaha furaha u ah, baahida sarena leh ee shaqooyinka kala duwan.  waxaynu sidoo kale eegi doonaa fikrado ku saabsan sida aad u horumarin karto una soo bandhigi karto xirfadahan si aad ugu horumariso shaqadaada.     1. Isgaadhsiin:    Xidhiidh wax

Xirfaddo Muhiim U Ah Isbedellada Goobaha Shaqada

Image
Xirfaddo Muhiim U Ah Isbedellada Goobaha Shaqada Xirfaddo muhiim u ah Isbedellada Goobaha Shaqada       Tiknoolajiyadda Casriga ahi waxay saameyn weyn ku yeelatay goobeheena shaqada. Si looga badbaado in shirkaddaha, ururada, xafiisyada iyo goobaha shaqada aan looga dul guurin, waxa daruuri ah in kor looqaado xirfaddaha kobcinaya  lasocodka isbeddellada tiknoolajiga casriga ah. Dadka sida aadka ah ugu guulaysan doona goobaha shaqada ee mustaqbalku waxay noqon doonaan kuwa kobciya xirfadaha fudud ee la xidhiidha sida aad u fikirto, u shaqeyso iyo ula xidhiidho dadka kale. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa xirfaddo ay muhiim tahay in qof kastaa ku carbiyo naftiisa.     Laqabsiga tiknoolajiga casriga ah Waa awood u yeelashada adeegsiga iyo ka faa'ideysiga tiknoolajiga casriga ah.  Maadaama oo tiknoolajigu hadda ay qaabeynayso hab nololeedka shaqo in aad taqaano xeelada, barnaamijyada iyo barkulannada hab adeegsigooda toolmooni waa aasaasi.  Waxa kamid ah falanqayta xogta (Data Analysi

Xeeladaha Shaqada!

Image
Xeeladaha Shaqada! Waxaa jira siyaabo badan oo shaqo lagu helo, si lamida sidaa iyana waxaa jirta talaabooyin badan oo aad si xikmadaysan ugu shaqayn karto.  Sida cad waxaad u baahantahay farsamooyin aad ku xaqiijin karto hadafka shaqo ee lagaa rabo. Halkan waxaynu ku wadaagi doonnaa qodobo kaa dhigaya ruux u shaqeeya si caqli badnaanleh.   1.Faham Hawsha:  faham ujeedooyinka iyo shuruudaha shaqadaada si aad u hubiso inaad ku socoto wadadii saxda ahayd.  Hadaf cad oo qoran dejiso. Waxa habboon habeenkii inta aanad seexan kahor in aad qorto ama subaxa goor hore in aad kubilowdo.  Tani waxay kaa caawinaysaa in aad sifiican diiradda u saarto hawlahaaga kuugu muhiimsan maalintaa oo saameyn waxqabadna yeelan kara.   2. Hore u qorshee:  Samee khariidad  qeexaysa yoolalkaaga, hawlahaaga iyo wakhtiga kama dambaysta ah, taas oo kaa caawinaysa inaad  shaqada u qabato si habaysan oo hufan.   3.Deji Mudnaanta:  Go'aami hawlaha ugu muhiimsan una qoondee wakhtigaaga iyo dadaalkaaga si habboon.