Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan
Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan Imtixaanku waa tijaabo la mariyo tiro badan oo u tartamaysa boos shaqo oo ka banaan hay'ad, shirkad, ganacsi ama xafiis dawladdeed oo looga dan leeyahay hubin aqooneed oo la xidhiidhka fursadda loo tartamayo. Dadbadan ayaa tijaabadaasi werwer badan ku abuurtaa marka ay fariin ka helaan looshaqeeye ay hore u codsadeen boos shaqo oo ka banaan. 1. Diyaargarow Mar haddii aad hore u codsatay shaqadan taas macneheedu waa in aad sifiican u akhriday, uga bogatay, ugu fiirsatay baahida looshaqeeyaha ee uu kusoo bandhigey xayeysiiska shaqo ee qof leh aqoon, khibraddo iyo xirfaddaha uusoo bandhigey. Markale ku noqo aqoonta iyo xirfaddaha farsamo ee uu raadinayo. In aad ka hormarto wakhtigii lagula balamay mooyaane haka dib dhicin, looshaqeeyuhu wuxuu eegayaa dadka doonistoodu sareyso ee wakhti hore yimaada goobta imtixaanka lagu qaadayo. 2. Baadhis Baadhis ku samee xirfaddahaa iyo aqoontaa farsamo ee looshaqeeyuhu raadinayo adiga oo isku deyaya ...