Posts

Kaabeyaal: Codsiga Shaqada

Image
Kaabeyaal: Codsiga Shaqada Kaabeyaal: Codsiga shaqada Hilinka ay marto shaqo codsashadu waa mid u baahan ka fiirsi iyo diirad saaris xoogan. Maadaama codsigaagaasi yahay mid aad ka maqantahay oo aanad isdifaaci Karin oo kaliya waxa go’aaminaya in aad guulaysetaa yahay waxa aad ku qorto codsigaaga shaqada iyo sida aad u qorayso.   Halkan waxa aan idinkula wadaagaynaa qodobo koob kooban oo dheelitiri doona shaqo codsigaaga isla markaana ah qodobo ka dhiman dhallinyaro badan marka ay shaqada codsanayaan. Waxa ka mid ah;   1.      CV ·         Ha u qornaado qaab aqooni ka muuqato ·         Ha ku qorin email naaneysi ku jirto waa laga fiicanyahay. ·         Ha koobnaado (Loo shaqeeyuhu wakhti uma hayo CV dheer) ·         Ha ku fadhiyo shuruuddaha, waajibaadka iyo doorarka lag...

10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga!

Image
10 Mareegood (websites) Oo Aad Ka Horumarin Karto Luqaddaada Ingiriisiga! 10 Mareegood (Websites) oo aad ka horumarin karto luqaddaada ingiriisiga! Luqadda qalaad ee Ingiriisidu waa mid kamida caqabaddaha ugu waaweyn ee hortaagan dhallinyarada shaqo raadiska ah iyo kuwa suuqa shaqada ku jira labadaba. Annagoo ka duuleyna hagidda dhallinyarada shaqo raadiska ah halkan waxa aan idinkula wadaagi doonnaa mareegaha (Websites) ugu fiican xaga barashada luqadda ingiriisiga oo ku dhisan hab isbarineed.   Nolosha dhinac walba oo aad eegto  shaygii ama arrintii wakhti iyo dedaal badan lagu bixiyo ayaa midho dhal fiican yeesha. Xirfaddaha muhiimadda la siiyo luqaddu ayey ku jirtaa marka laga hadlayo suuqa shaqada.   Luqaddu ma aha wax adag barashadeedu. Laakiin waxa ay u baahantahay hagid habboon si aad u horumariso. Dadbadan baa ku guuldaraysta in ay sifiican u bartaan. Maanta waxa aynu ka hadli donna 10 mareeg ee ugu fiican  xagga barashada luqadda sida ugu fiican u...

Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad

Image
Shaqooyinka La Soo Bandhigo! Waydiimo Iyo Warcelin Q1aad Halkan waxa aynu kaga jawaabi doonnaa waydiimo dhowr ah oo ay inasoo waydiiyeen xubno kamida dhallinyarada shaqo raadiska ah ee ku xidhan Somalijobs.  Mid mid ayeynu isku dul taagi doonnaa in sha Allah.   Waydiin 1aad: Habkeen ugu tartanaa fursadaha shaqo ee lagu baahiyo Somalijobs? Jawaab celin:   Marka laga hadlayo u tartamidda fursaddaha shaqo amma qandaraas ee cusub waxa aad ugu tartami kartaa hababkan hoose 1.      Marka hore booqo Www.somalijobs.com 2.       Dooro qaybta Shaqada (Jobs) 3.      Baadho fursaddaha aad daneynayso iyo goobta laga shaqeynayo (Location) ka. 4.      Akhri dhammaan warbixinta shaqada la baahiyey si aad u ogaato waxa lagaa rabo ee leh (Education, Experience, Skills, References, Cover Letter & Certifications). 5.      Diyaarso CV buuxinaya shuruuddahaa aad...

10 Su’aalood Oo La Waydiiyo Kalkaaliyaha/sada Caafimaadka Waqtiga Waraysiga Shaqada Iyo Jawaabahooga

Image
10 Su’aalood Oo La Waydiiyo Kalkaaliyaha/sada Caafimaadka Waqtiga Waraysiga Shaqada Iyo Jawaabahooga Inta lagu guda jiro wareysiga kalkaaliyaha caafimaadka. Loo shaqeeyuhu wuxuu ku weydiin doonaa su'aalo ku siinaya fursad aad ku muujiso awooddahaaga, aqoontaada, xirfaddahaaga dad ladhaqanka iyo daryeelka aad u huri karto bukaanka. Waxaa ugu fiican in la diyaariyo jawaabaha muujinaya xirfaddahaaga, tababarkaaga iyo waayo-aragnimadaada. Maqaalkani wuxuu iftiiminayaa su'aalaha laga yaabo inaad la kulanto inta lagu guda jiro wareysiga shaqo ee kalkaaliyaha. Farsamada STAR waxay kaa caawin kartaa inaad maskaxda ku hayso qaabka aad u jawaabayso inta lagu jiro wareysiyada xirfaddeed. Tixgeli saameynta jawaabaha si aad uga jawaabto su'aalaha adoo adeegsanaya qaabkan: • Xaaladda: Sharax asalka tusaalahaaga. • Hawl: Sharax waxa doorkaagu ahaa ee xaaladda ka jiray. • Tallaabo: Sharax tallaabada aad qaaday si aad arrinta wax uga qabato. • Natiijo: Sharax waxaad ka baratay xaaladda iyo ...

Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa?

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Ma Saxbaa Inaan Shaqo Walba Codsadaa? Waydiin iyo Warcelin:  Ma saxbaa inaan shaqo walba codsadaa? Inkasta oo shaqo abuurku yar yahay goobaha waxbarashaduna aanay soo saarid dhallinyaro u diyaarsan suuqa shaqada ama haddii aynu si kale u dhigno dhallinyaro aan lagusoo qalabayn xirfaddihii suuqa shaqada looga baahnaa waxay niyadjab ku ridda dhallinyarada shaqo raadiska ah. Waxa marxaladda ka jirta suuqa shaqadu u baahantahay in qofka dhallinyarada ahi dib haddana isu maalgeliyo oo uu barto xirfaddaha suuqa shaqada looga baahanyahay oo uu qaato tababaro gaagaaban oo uu ka helayo xeeladdaha, xirfaddaha iyo baarnijyo uu ku shaqo geli karo. Waana sababta ay muhiimka u tahay in qofku barto ismaalgelinta qofeed (Self Investment) ku aadan dhinnaca tuulka shaqada looga baahanyahay. Werwerkaasi wuxuu qofka dhallinyarada ah ku khasbayaa in uu u  tartama shaqo kasta iyo fursad kasta oo lagu baahiyo  Www.somalijobs.com . Marka uu muddo wado ee uu xareeyo uun waxa...

Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo.

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Waydiimaha Guud Ee Waraysiga Shaqo. Laga soo bilaabo shaqadii la baahiyey ee aad ku aragtay  Www.somalijobs.com . Marka aad akhriday e aad garwaaqsatay in aad buuxin karto shuruudaha la baahiyey waxa aad diyaarsatay warqad codsiyeed shaqo wada socda CV Iyo Cover Letter.  Waxaad si haleel la’aanta intaan la gaadhi wakhtiga uu ku eegyahay xayeysiisku codsatay adiga oo raacaya habka soo gudbinta waraaqahaa looshaqeeyuhu kaa codsaday. Haddii aad kusoo baxdo wejigaa hore ee shaqada waxa xidha imtixaan iyo waraysi shaqo. Qodobka aynu isdultaagaynaa waa waydiimaha guud ee lagu waydiiyo shaqo raadiyaha waraysigu inta uu socdo. Wakhtiga waraysiga shaqo waxa go’aamiya heerka khibradda ee booska aad u tartamayso taas oo inta badan noqota wakhti ku siman 20 – 30 daqiiqo oo u qorshaysan waydiimaha ka minaya looshaqeeyaha. Waydiimuhu halkee ayey ka imanayaan? Waydiimaha lagu waydiinayaa waxa ay ka imanayaan warqad codsiyeedkaaga shaqo (CV) qaybta taariikhahaaga sh...

Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan

Image
Tartanka Shaqada: Tijaabo Imtixaan Imtixaanku waa tijaabo la mariyo tiro badan oo u tartamaysa boos shaqo oo ka banaan hay'ad, shirkad, ganacsi ama xafiis dawladdeed oo looga dan leeyahay hubin aqooneed oo la xidhiidhka fursadda loo tartamayo. Dadbadan ayaa tijaabadaasi werwer badan ku abuurtaa marka ay fariin ka helaan looshaqeeye ay hore u codsadeen boos shaqo oo ka banaan. 1.  Diyaargarow Mar haddii aad hore u codsatay shaqadan taas macneheedu waa in aad sifiican u akhriday, uga bogatay, ugu fiirsatay baahida looshaqeeyaha ee uu kusoo bandhigey xayeysiiska shaqo ee qof leh aqoon, khibraddo iyo xirfaddaha uusoo bandhigey. Markale ku noqo aqoonta iyo xirfaddaha farsamo ee uu raadinayo. In aad ka hormarto wakhtigii lagula balamay mooyaane haka dib dhicin, looshaqeeyuhu wuxuu eegayaa dadka doonistoodu sareyso ee wakhti hore yimaada goobta imtixaanka lagu qaadayo.  2. Baadhis  Baadhis ku samee xirfaddahaa iyo aqoontaa farsamo ee looshaqeeyuhu raadinayo adiga oo isku deyaya ...

Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka Shaqo Carbinta.

Image
Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka Shaqo Carbinta. Apprenticeships: Benefits of Apprenticeships. Shaqo Carbinta: Faa'idooyinka shaqo carbinta. Shaqo carbintu waa hab lagu tababaro da'yarta kasoo qalinjebisa jaamacaddaha dalka. Si ay uga faa'ideystaan fursaddaha yaalaha suuqa shaqada. Da'yartu in ay soo maraan shaqo carbin waxay dhaxalsiisaa waayo-aragnimo shaqo oo kaabis unoqon doonta mustaqbalkooda shaqo. Waxa fursad loosiinayaa in loo indho furo isla markaana uu barto shaqada, wada shaqeynta, dad dhexgalka, masuuliyadda iyo xirfaddo nololeed oo qof dhis u noqonaya shaqadiisa danbe.  Shaqo carbinta muddadeedu waxay ku xidhantahay siyaasadda uqoran shirkadda, hay'adda ama xafiiskaa qofku ku qaadanayo shaqo carbinta. Sida caalamiga ah waa 3 bilood ilaa 6 bilood marka suuqa shaqada la joogo, Waxa taas ka gedisan carbiska waxbarashada oo noqon kara muddo sannad ah sida bahda caafimaadka barata oo kale.  Faa'idooyinka carbiska shaqo waxa ka mid ah: 1. Shaqada Barasha...

Waraysiga Shaqo: Werwerka Badan

Image
Waraysiga Shaqo: Werwerka Badan Waa suuregal adiga oo shaqo raadinaya in waraysiga shaqadu werwer badan kugu abuuro. Ogow in aad kaligaa ku aheyn caqabaddaa balse lagaala siman yahay qofkasta oo marxaladdaa marayaana uu aad u dareemo. Waa caqabad sii badinaysa jawaab u waayidda su'aalo badan oo ka imanaya dhinaca waraysi shaqo qaadaha ama looshaqeeyahaba, taas oo ku dhaxalsiin karta guuldarro aad kala kulanto waraysiga shaqo.  Guushaadu waxa ay ku xidhantahay habka aad u maamushid amma aad u dejisid heerka werwerkaaga. Halkan waxa aynu kuwadaagi doonnaa qodobo kaa caawin doona yaraynta werwerka waraysiga shaqo aad kala kulanto kahor marka aad fariinta martiqaadka hesho ilaa inta aad kasoo baxayso.  1. Qorshe diyaargarow Soomaalidu waxay tidhaa, '' Dardaaran caweysin kallah arooryaad buu leeyahay.'' si kale haddii aynu u dhigno, ''Arrin la qorsheeyey meel laga bilaabo ayey leedahay.'' Qorshe diyaargarow in aad sameystaa waa muhiim inta aad kugudo jirt...

Waydiin Iyo Warcelin: Codsiga Shaqooyinka

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Codsiga Shaqooyinka WAYDIIN IYO WARCELIN: Codsiga Shaqooyinka Haddii shaqada shuruuddeheedda ay ku xusantahay shahaaddada lagaa rabaa waa dugsi sare aniguna aan haysto heer jaamacaddeed, Sidee ayaan u kala horeysiiyaa? Warcelin:   Haddii shuruuddaha looshaqeeyuhu soobandhigay ay ku xusantahay heerka waxbarasho ugu sareeya ee lagaa rabaa waa shahaaddo dugsi sare waxa muhiim ah intaad cadeyntaas aad ku istaagto oo aanad ku darin shahaaddo aan shardi lagaaga dhigin. Had iyo jeer ka tusaale iyo gundhig qaado baahida looshaqeeyuhu soobandhigay ee uu ku qoray xayeysiiska shaqo.  2.             Hal CV imisa shaqo ayaan ku xareyn karaa? Warcelin:  Hal CV waxa aad ku xareyn kartaa hal shaqo oo kaliya. Sababtu waa in looshaqeeye A baahidiisa uu soobandhigayaa ay ka duwan tahay baahida looshaqeeye B uu soo bandhigay. Sidaasna ay khalad ku noqonayso in aad hal CV 10 shaqo ku xareyso.   Xasuusnow: W...

Waydiin Iyo Warcelin: Tixraaca

Image
Waydiin Iyo Warcelin: Tixraaca 1. Waydiin: Xog nooceeya ayaa la iiga baahanyahay in aan ku qoro tixraaca? Warcelin:  Marka aad qorayso warqad codsiyeedkaaga shaqo waa in aad ku dartaac tixraac leh macluumaadkan hoose: - Magaca qofka oo saddexan - Booskiiska shaqo (Current Job/ Position) - Shirkadda/Xafiiska ama hay'adda uu ka shaqeeyo - Tilifoon nambarkiisa - Cinwaankiisa iimeylka (Email Address) - Ka warbixin tixraac (Waad ku dari kartaa waanad ka tegi kartaa) Waa in aad qorto weedho kooban hoo sharaxaya cidda aad u taqaan iyo in aad soowada shaqeyseen adiga oo sheegaya goobta, goorta iyo muddada aad soowada shaqeyseen. Tusaale ahaan; Ahmed Abdi Abdi System Administrator Somalijobs Inc (00252) 000 0000 Ahmedabdiabdi@somalijobs.com Ahmed was my system administrator from 2019 to 2021 when i worked as a assistant sysmtem administrator for Somalijobs Inc. 2. Waydiin: Looshaqeeyuhu mala xidhiidhaa qofka aan ku qortay tixraaca? Warcelin:  Haa. Looshaqeeyayaashu way la xidhiidhaan x...

Shaqada: Xaqa Looshaqeeyaha Lagu Leeyahay!! (Work: An Employer's Right!)

Image
Hordhaca Buuga:Shaqada: Xaqa Looshaqeeyaha Lagu Leeyahay! (Work: An Employer's Right!) By Mohamud Ahmed Jama. 1. SHAQAALEYSIIN ( EMPLOYMENT). 2. CADAALAD (JUSTICE). 3. CAAFIMAAD ( HEALTH). 4. XAQA (RIGHT). Nolosha aynu noolnahy waxa jira kaaliyeyaal dhidibadda u ahaya. La'aantoodna aanay noloshu qiime iyo macne toona aaney yeelanayn. Tacabka qofku xooga iyo maskaxdaba uu ku maalayaa waa mid kamida waxyaalaha micno u yeelaya nolosha aynu noolnahay.  Ilaahay, nebi Muxammed CSW, noolaha iyo manoolaha dhammaantoodba xaq iyo xuquuq ayey kugu leeyihiin. Taas oo qofka laga rabo inuu cidkasta xaqeega siiyo mar walba oo ay ku waajibto amma habboontahay.  Sidaa si lamid ah shaqaaluhu xaq iyo xuquuq ayey ku leeyihiiy loo shaqeeyaha. Arrimahaa waxa ka mid ah: 1. SHAQAALEYSIIN ( EMPLOYMENT)                                ...

Xirfaddaha: 5 Xirfaddood Oo Suuqa Shaqada Soomaalida Looga Baahanyahay! (Skills: 5 Skills Needed in the Somali Job Market!)

Image
By Mohamud Ahmed Jama. Hordhaca Buuga: Xirfaddaha: 5 Xirfaddood Oo Suuqa Shaqada Soomaalida Looga Baahanyahay! Skills: 5 Skills Needed in the Somali Job Market! 1. Bedqabka Xogaha (Information Security). 2. Horumarinta Ganacsiga (Business development) 3. Isbeddelka Tiknoolajiyadda (Digital Transformation) 4. Software and Application Development (UX/UI, blockchain programming) 5. Qorshaha iyo Suuqgeynta Casriga ah (Digital Marketing & Strategy) Saadaasha isbeddellada shaqo ee iman doona waxay tibaaxayaan in xirfaddo badan lagu gudbi doonno isla markaana shaqooyin badan ay qaban doonaan mashiinno (Robots).  Shaqooyinka mustaqbalka kuwa muhiimka ah ee suuqa shaqada dhinaca tiknoolajiyadda iyo xafiisyada looga baahan yahay. Halkan waxa aynu ku wadaagi doonnaa xirfaddo muhiim u ah suuqa shaqada ee deegannada Soomaalida. Dadyowga barta ama leh xirfaddahaasina ku dhex yeelan doonnaan tixgelin badan qabashada codsiga tartanka shaqooyinka banaan. 1. Bedqabka Xogaha (Informat...

Shaqada: Bilowga Shaqo Cusub(Career: Starting a New Career)

Image
By Mohamud Ahmed Jama. Hordhaca Buuga: Shaqada: Bilowga Shaqo Cusub (Career: Starting a New Career) 1. Ka hore bilowga shaqada cusub  ( Before starting a new job) 2. Maalmaha ugu horreeya (  The first days) 3. Bilaha ug horreeya (The first months) Hambalyo. Waxaad ka guuleystay tartameyaal badan oo kasoo qayb galay heerarkii kala duwanaa ee shaqo xulista. Bilowga shaqo cusubi waxay noqon kartaa mid farxadleh laakiin caqabadleh.  Waxa jira qodobbo aad sameyn karto ka hor bilowga shaqada taas oo aad ka heli karto dhiirigelin iyo kalsooni naftaada baqaha ka saarta.  Waa muhiim aragtidaada sawirka u horeeya ee laga qaadanaya. Qodobaddaa waxa kamid ah: 1. Ka hore bilowga shaqada cusub Baadhis ku samee goobta shaqo: Xog ururso ka hor bilaabitaanka shaqada oo hatagin adiga oo dhaga xidhan (aan macluumaad hayn). Baadhis ku samee mareegaaha (Websites), Baraha bulshada, buugaagta xayeysiiska si aad aad xog uga hesho agabka, alaabta, adeegga, hiigsiga, qiyamka iyo ...

Sidee Loo Dhisaa Kalsoonida Shaqadaada! (How to Build Confidence in Your Work!)

Image
By Mohamud Ahmed Jama. Hordhaca Buuga: Sidee Loo Dhisaa Kalsoonida Shaqadaada!( How to Build Confidence in Your Work!) 1. Shaqadaada qabso.(Do your work.) 2. Noqo qof la isku hallayn karo. (Be reliable.) 3. Gaadh kama-danbaysta shaqada. ( Reach the deadline.) 4. Balanta Xooji.(Confirm the Promise.) 5. Dhagaysi Habboon.(Active Listening.) 6. Tixgelin muuji.(Show consideration.) 7. Xidhiidho Dhis.(Build Relationships.) 8. Xuduud yeelo.(Set boundaries.) Nolosheena shaqooyinka aynu qabano marar badan waxaynu u baahannaa kalsooni buuxda in lagu qabo shaqadeena oo ay ku qabayaan looshaqeeyaha iyo kooxda wadashaqeyntu innaga dhaxaysoba. Halkan waxaynu ku eegi doonnaa qodobo kooban oo ku saleysan habka iyo hannaanka aad u dhisi karto aaminaad iyo kalsooni buuxda in lagu qabo shaqada aad qabanayso. Waana midkamid ah furayaasha in kooxda wadashaqeynta leh iyo looshaqeeyuhuba kaaga gam'aan shaqada aad u xilsaarantahay in aad halkeeda saareyso. Qodobada waxa kamid ah: 1. Shaqadaada...

15 Qodob Oo Kuu Fududaynaya Ku Guulaysiga Booskaaga Shaqada

Image
15 Qodob Oo Kuu Fududaynaya Ku Guulaysiga Booskaaga Shaqada Ma jirto hal sir oo kuu saamaxaysa in aad shaqadaada   ku guulaysato . Hadana si kasta oo ay ahaataba waxa jira xeerar guud iyo dabeecado , kuwaas oo kordhin karaya fursadaha aad ugu guulaysan karayso shaqadaada .     Waa kuwan 15 xeer oo kuu fududaynaya ku guulaysiga shaqadaada .    1.Hadaf     Qeex oo sheeg waxa aad doonayso in aad ka qabato shaqadaada , adiga oo muhiimad kala siinaya hadafyada kuu dejisan . Qabanayana mid ba midka ay ka sii muhiimsan tahay .    2.Dadaal     Raac wadada qeexitaanka iyo xallinta mashaakilaadka ; halkii aad sugi lahayd in qof kale shaqadaa kuu qabto . Ku dadaal in aad xallisato mashaakilkaaga gaarka ah, taas oo kuu fududaynaysa in aad ku guulaysato booskaaga shaqada .   3.Ula Xidhiidh Dadka si Saamayn le   Horumari habka qoraalkaaga iyo xidhi...